Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Ka Hadlay Geerida Mujaahid Haybe-Jeeni

52
2856

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland soo maray Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ka hadlay geerida Marxuum Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw cali, wuxuu Marxuum Haybe Jeeni ku tilmaamay mujaahid sharaf badnaa oo si weyn uga qayb galay halgankii SNM ee dalka lagu xoreeyay, “Alle haw naxariisto ee Marxuum Haybe, wuxuu ahaa mujaahid dun wanaagsan oo sharaf badnaa oo si libaaxnimo leh uga qayb galay halgankii, waxaanu ahaa Mujaahid ay in badan xasuusan doonaan raggii ay asxaabta ahaayeen.” ayuu yidhi Cabdraxmaan oo intaas raaciyay, “Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu u dambi dhaafo, godkana u nuuro, qoyska, ehelka iyo shacabka Somaliland waxaan Alle uga baryayaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo.”

Wuxuu Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali sheegay in Marxuum Haybe kaalin muhiim ku lahaa dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here