Mulkiilaha Hoteel Guuleed Oo Ganacsatada Ugu Bushaareeyay In Hoolkiisu U Furanyahay Maalmaha Ciidda

0
548

Picture5Hargeysa (Geeska)-Mulkiilaha  Guuleed Hotel Md. Cali Cumar Guuleed, ayaa  Ganacsatada iyo Bulshada kala duwan ee reer Somaliland ogeysiiyey in Carwadii ka furmaysay Hoteelkiisa ay si rasmiya uga furmayso 8/7/2014, oo ku beegan Tobanka Bisha Ramadaan, waxaanu ka codsaday guud ahaan Ganacstadii iyo Dadkii lacagta laga hayey inay si rasmiya Alaabtooda u soo dhigan karaan wakhtigaas uu u cayimay, kuwa kale ee doonayaana ay kiraysan karaan.

Mulkiilaha Guuleed Hotel oo Shir jara’iid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa  Bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideeystaan Carwadan, isaga oo xusay in Bisha Ramadaan darteed qiimo aad u hooseeya  uu Hoolka weyn ee uu dhisay  kaga kireeynayo, taas taas oo uu sheegay in Hoolkani uu yahay Hool aad u balaadhan, oo nafis ah, isla markaana uu Guuleed Hotel-na ku yaalo Goob Degmooyinka iyo Xaafadaha dhex u ah, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Waxaanu idinku bushaarnaynaa in Carwadii aanu ugu talagelnay Bisha Ramadaan, ee dadweynuhu naga codsadeen in aanu u sameeyno madaama saxmada iyo cidhiidhi dhinaca suuqa ka dareemeen, ayaa waxa aanu u diraynaa ogeysiis marka ugu horeeysa, dadweynihii lacagta bixiyey ee qabsaday meelahoodii iyo kuwii Foomamka buuxiyey iyo kuwa isku diyaarinaya, in aanu furitaankii ka dhignay, oo Alaabta dadku soo dhigan karaan 8/7/2014, oo ku beegan Tobanka Bishan Ramadaan, aniga oo dhammaan Shacab weynaha reer Somaliland Hambalyo u diraya Bisha Ramadaan awgeed, ayaa si xishmad iyo sharafi ku jirto ugu sheegaynaa, Bayac-mushtarka kireystay meelahan mar labaad, in Bishan Siddeedaad, kuwii Lacagta bixiyeyna ay dooraan karaan meelaha ay doonayaan, kuwa Foomamka buuxiyey iyo kuwa kalana ay soo dhigan karaan laga bilaabo wakhtigaas”.

Mulkiilaha Guuleed Hotel ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxa ay Carwadan Bisha Ramadaan aan ugu talagalnay Carwooyinkii hore, kaga duwan tahay Qiimaha oo aad u hooseeya, iyo Bogcada Guuleed Hotel oo xundun iyo dhex u ah Magaalada Hargeysa, oo Xaafad iyo Degmo waliba ka soo qeyb geli karto, iyo Gaadiidka sida Basaska, Tagaasida, Tigta iyo Baabuurta kale oo lagu iman karo, sidoo kale Hoolka aanu ugu tala galnay ayaa ah Hool aad u balaadhan oo dhinaca walba ka ah Laba kun oo Mitir, waxa uu Hoolkaasi leeyahay Lixdan Daaqadood oo waaweyn, oo Daaqadiiba tahay min laba mitir iyo laba mitir ah iyo Baarkino, aad u balaadhan iyo amaanka oo aad loo adkayn doono, waxaana Bulshada iyo Ganacsatada kale duwan ee reer Somaliland haddii ay u baahan yihiin Carwadan waxa ay nagala soo xidhiidhi karaan06324427343 ama 0634743959, Ciid wanaagsan iyo Ramadaan wanaagsan”.