Dawladda Sweden Oo Laga Yaabo Inay Xidho Madaxweynaha Ereteriya Iyo Xubno Wasiiradiisa Ah

0
527

Picture6Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afawerki iyo koox ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa laga dacweeyay Booliska Sweden, waxaana lagu eedaynayaa inay galeen dambiyo badan oo ka dhan ah bini-aadmnimada, ka dib markii wax ka bedel lagu sameeyay xeerka ciqaabta dawladda Sweden oo ogolaanaya in dambiyada noocaas ah ay dacwad qaadayaaha Sweden xukumi karaan. Booliska ayaa laga dalbaday in haddii ay masuuliyiintani cag soo dhigaan wadanka Sweden ay marka hore qabtaan si loo maxkamadeeyo.

Mr. Percy Bratt, oo ah sarkaal ka tirsan hay’ad xuquuqal insaanka, si weyna dabada uga riixaya dacwadan ayaa wakaaladda AFP u sheegay in Booliska Sweden loo gudbiyay dambiyadaas lagu eedaynayo Madaxweynaha Ereteriya iyo wasiiradiisa, waxaanu sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay xeerka ciqaabta ee Sweden uu awood u leeyahay in garsoorayaashu ay xukuno ka gaadhi karaan dambiyada noocan oo kale ah iyadoo loo eegayn wadanka dambiga lagu galay iyo qofka galayba. “Waxaanu rumaysanahay inay jiraan shuruuc yaala oo lagu xukumi karo dadka aanu magacownay.” Ayuu yidhi sarkaalkan oo si weyn dabada uga riixaya dacwadan loo gudbiyay Booliska Sweden, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa jira Ereteriyaan badan oo ku nool Sweden oo xog naga siiya xaaladda guud ahaan wadanka Ereteriya.”

Dambiyada Booliska loo gudbiyay waxa ka mid ah dambiyo ka dhan ah bini-aadmnimada oo ay Madaxweynaha Ereteriya iyo wasiiradiisu kula kaceen shacabka Ereteriya, waxaana ka mid ah jidh-dil, afduub iyo waxyaabo kale oo ka soo horjeeda xuquuqda bini-aadamka.

Hay’adaha ammaanka Ereteriya ayaa dadka ay da’doodu tahay 18-55 jir ka mamnuucay inay dalka dibadda uga baxaan, waana sababaha loogu haysto arrimaha xuquuqal insaanka. Dawladda Sweden ayaa maaro u weyday inay wax u qabato saxafi Ereteriyaan ah oo haysta dhalashada Sweden oo Ereteriya lagu xidhay sannadkii 2001, kaas oo 13 sannadood ka dib aan la garanayn meel uu ku jiro.