Mujaahid Xasan Guure Oo Si Adag U Dhaliilay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Gobalka Awdal Oo Uu Mid Ganacsi Ku Tilmaamay

0
501

Picture2Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wadashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay safarkii uu Madaxweynuhu ku tagay Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu aanu u tagin Gobolkaas inuu wax ka qabto xaalada Gobolkaas ka jirta iyo inuu soo dejiyo xaalada ka taagan halkaas, balse uu u tagay hawl ganacsi, isla markiibana uu ka soo laabtay, waxaanu sheegay inuu aad ula yabaan yahay Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure oo u warmaay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani sharcigii iyo cadaaladii ku tumanayso.

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa sidoo kale ka hadlay Warshadaha  Laydhka ee dawladdaha ee Magalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee ay Xukuumaddu wareejisay, “Odayaasha iyo Wax-garadka Gobolka Awdal, muddo aad u dheer ayey cabanayeen,  Madaxweynaha tabashadooda ay u soo gudbiyeen, isna muddo aad u dheer kamuu jawaabin, kamuu hadal waxna kamuu qaban, imika oo la filaayey inuu wax ka qabto, ayaa Safarkii uu ku tagay Gobolka Awdal oo dad badani moodayeen inuu wax ka soo qaban doono arintii Suldaan Wabar, Tabashadii Odayaasha Gobolka Awdal iyo inuu soo dejiyo xaalada Gobolkaas ka taagan ayaa waxa layaab noqotay in aanu hawlahaas u socon ee hawl Ganacsi oo ku saabsan Ceelkii uu u tagay, markii uu hawlihii Ceelka, Dilaalintii iyo waxa uu soo heli karayey uu soo helay ayuu deg deg u soo dhaafay Gobolkii Awdal iyo ciddii wax ka tabanaysay, xittaa kumuu hakan, waana wax aad loola yaabo, marar ayaana is idhaahda talow Madaxweynuhu taladiisa ma u madax banaan yahay, mise waa lala taliye, mise dalka maba joogo, maxa yeelay waxa arimahaas oo dhan inay wax ka jiraan inoo caddeynaya in Odayaal, Wax-garad iyo Bulsho dhan oo muddo dheer wax tabanaayey oo walibana tabashadooda mar wakhti fog u soo gudbiyey Madaxweynaha ayaa inta uu iska tagay, oo hawl dantiisa ah u tagay, ayaanu ku dhixin xittaa oo meelaha uu xittaa soo maray tabasho ma taalo ee tabashadu halka ay taala waa Awdal iyo Borama”.

Guddoomiyaha Madasha watashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey Warshadaha Laydhka Dawladda ee Magalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa yidhi “Warshadaha Laydhka Dawladda ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee ay Xukuumaddani iibisay, waxa ay ku dartay Dhismayaashii iyo Dhulalkii Dawladda ee Qaranku lahaa ee ay Sharci darada u iibisay, wey iibin kartaa, balse sifo sharci daro ah oo khalad ah ayey ku iibisay, waxayna ka mid noqdeen Hantida Qaranka ee sida sharci darada ay u iibinayso Xukuumaddani, in hantida qaranka sida la doono loo isticmaalo waa xaaran, wax meesha qabtana maaha”.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey sida ay Xukuumaddu ula dhaqanto Saxaafadda yidhi  “Garsoorku waa Hay’add Madax banaan, oo ka Madax banaan Xukuumadda, balse wey isku mil,een, oo Xukuumadduni wey ku tumatay Garsoorkii, Saxaafaddii iyo xoriyatul qawlkii. Waxaan aad u cambaaraynayaa sida loola dhaqmay Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal, waxa ay doonaysaa inay dhammaan Warbaahinta iyo Garsoorkaba yeelato, oo sida imikaba dhacday Garsoorihii ama cid walba oo Maxkamadda joogta oo ah Masuul oo danaha Xukuumadda ka hor yimaada, arrimaheedana u fulin waaya xilka ayey ka qaada weyna eridaa, cidda ka hor timaada oo wax ka sheegtana wey xidhaa, waxayna doonaysa inay Warbaahinta cabudhiso, oo ay wada yeelato, waxaasi wax suurtagal ah maaha”.