Mujaahid Muuse Biixi Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ciyaartoygii Qurbaha Ka Yimid

0
803

 

muuseHargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa xalay  casho sharaf u sameeyey ciyaartoyga ku ciyaarayey magaca qurba jooga Somaliland ee dhawaan dalka u yimi ciyaaraha saaxiibtinimo.

Munaasibada loogu sameeyey casho sharafta oo ahayd Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo ay ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Talyanle, wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Caabdi, maareeyaha madbacada qaranka Cali Siciid Raygal, agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Md Mustafe Qodax, maareeyaha samafalka ee madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye, gudoomiyaha qurbaha jooga Somaliland Md Saleebaan Maxamed Faarax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaan marka hore aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cidii soo qaban qaabisay safarka dhalinyarada ciyaartoyga ah, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cidii kale ee ka qayb qaadatay xafladan hir gelinteeda. Intaas kadib waxaa farxad weyn ii ah in aan caawa kala qayb galno dhalinyarada ciyaartoyga ah ee Yurub ka timi iyo dhamaan muwaadiniinta dalka ku soo noqday ee u yimi dano kala gaara. Waxaa hubaal ah oo aan malayn karaa in fikradaha dhalinyaradaasi markay dalka imanaayeen uu hiraalkoodu ahaa inay yimaadaan maanta dalkan oo leh jidad waaweyn, guryo qurux badan, cisbitaal fiican, jaamacado waaweyn, madaar qurux badan oo marka aad ka soo degto aanad ka yara nixin. Waxaan filayaa in fikirkiina intaas iyo inka badani ina ku jiraan, runtii anaguba waanu idinla qabnaa in taas oo kale la helo, waanan hubaa in la gaadhi doono. Wuxuu hadalkaasi ku dhan yahay inay hir geli doonto kow iyo konton sano ka hor bishii May hadalkii uu ka yidhi dalka ingiriiska Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii loo soo saxeexay gobanimada istiqlaalka inuu qaato oo ahaa maanta waa la inoo ogolaaday gobanimadii isticmaarkina wuu inaga tagayaa, maanta ayey hawshi inoo bilaabmatay waxaynu qabsan karno waa la arki doonaa. Ereygaas uu maalinaas yidhi ayaa 51 sano kadib ina hortaagan. Dadka uu sugaayo in la hir galiyo ereygaas waa inteenan nool. Guulo badan oo aynu gaadhnay ayaa ajira oo aanay ogayn dhalinyaradu, waxaana ka mida dawladnimada, nabada, wada jirka, midnimada, doorashooyinkii kala danbeeyey. Maxaanu u dooranay ee aanu dhalinyarada u casuumaynaa. Waxaa la idinka arkayaa mustaqbal iftiin leh, waxaan u aragnaa inaad horseed u tihiin tobanaan kun oo idinla da’a ah oo reer Somaliland, waxaad horseed u tihiin boqolaal dhakhtar, kumanaan ciyaarto oo dalkooda hore u mariya”

Sidoo kale gudoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu dhanbaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Suudaan oo uu sheegay inuu yahay nin qaatay go’aan geesinimo oo adag iyo weliba talo ku cusub qaaradda Afria,  “Waxaan hambalyo xoog leh u dirayaa madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo sameeyey taariikh ku cusub afrika oo sameeyey geesinimo ay carabta badankeedu ku dhici wayday, waa ninkii u horeeyey ee reer Afrika ah oo si nabad ah u ogolaaday inu saxeexo heshiis, isla markaana ka soo qayb galo xaflada dalkii ka go’ay suudaan. Itoobiya ayaa ka horaysay oo sidaas may ahayn.

Waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha qurba jooga reer Somaliland Saleebaan Maxamed Faarax, waxaanu aad ula hadlay dhalinyarada qurba jooga, isaga kula dar daarmay inay qadiyada Somaliland uga olaleeyaan wadamada ay joogaa, waxaanu yidhi “ Inagu hadii aynu nahay qurba jooga, gaar ahaana dhalinyaradiinan, waad arkaysaan sida fiican ee la inoo soo dhaweeyey, waxaa inala gudboon nimayku hadhay hawli haysaaye oo la inooga baahan yahay wax badan ayaad indhihiina ku soo aragteen oo aad dhagihiina ku soo maqasheen, waxaa la inooga baahan yahay waxaas aad soo aragteen ee walaaltinimada iyo dadnimada xambaarsan ee aad halkan kala kulanteen in aad warbixin fiican ka gudbisaan. Waxaa loo baahan yahay wadamada aad ku nooshihiin inaad ka raadisaan ictiraaf, waxaa loo baahan yahay inaad noqotaan murashaxiin ka soo baxa wadamada aad ka timaadeen oo baarlamaanada wadamadaas aad ka sheegtaan arrimaha Somaliland”

Ugu danbayntii waxaa halkaas ciyaartoyga kula casheeyey gudoomiyaha Kulmiye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukumada iyo marti sharaf kale.