Maleeshiyaadka Maamulka Puntland Oo Rasaas Huwiyay Markabkii Ingiriiska Ee Yimid Dekedda Berbera

0
744

 

dagaal

Hargeysa(Geeska)-Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ayaa rasaas huwiyay markabkii dagaal ee khamiistii yimid dekedda Berbera, kaas oo marayay xeebaha Laasqoray ee bariga gobalka Sanaag ee Somaliland.

Maleeshiyaad hubaysan oo mushahar ka qaata maamulka Puntland kuna sugan xeebaha Laasqoray ayaa rasaaseeyay markabkaas dagaal oo ku soo dhawaaday xeebaha Laasqoray kaas oo ka socdaalay dekedda Berbera ee Somaliland. Nin sheegtay inuu yahay badhasaabka gobalka Sanaag ee Puntland ayaa idaacadaha Garowe u sheegay in maleeshiyaadku markabkaas u rasaaseeyeen si buu yidhi loogu sheego inaanay Lasqoray xukumin Somaliland, waxaanu intaas raaciyay inay Somaliland markabkaas siisay war uu sheegay inuu khaldanyahay oo ah inay maamusho dhulkaas.

Wuxuu sheegay in markabku kormeerayay xeebaha Somaliland oo ka bad qaba aafadda budhcad badeeda. Lama sheegin in markabka dagaal ee Ingiriisku wax jawaab ah ka bixiyay rasaasta maleeshiyaadkaas Puntland iyo in kale. Laakiin markabka ayaa khamiistii yimid dekedda Berber ahalkaas oo ay madax milatari oo la socotay kula kulantay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madax kale.