Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safarkiisii U Horeeyay Ku Tagaya Djibouti

29
3055

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maanta safarkiisii u horeeyay ee dibadda ah uu ku tago dalka Djibouti.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka madaxweyne Biixi, haddana warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu dalkaas ku tagayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana la filayaa inuu weftiga madaxweynaha ka mid noqdo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiir kale oo ka tirsan xukuumadiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu wada hadal la yeesho Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo la tilmaamo inay leeyihiin xidhiidh saaxiibtinimo oo dheer, waxaanay wararku sheegayaan in madaxweynaha Somaliland uu Djibouti ku maqnaan doono hal maalin.

Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tago dalka dibadiisa, waxaana in Djibouti noqoto dalkii u horeeyay ee uu tagay kala mid noqonayaa Madaxweyne Siilaanyo oo isna sanadkii 2010 markii la doortay lugtiisii u horeeyay soo mariyay Djibouti.

Dad badan oo isweydiinayay su’aasha ah, dalka uu Madaxweyne Muuse ka bilaabi doono socdaalkiisa u horeeya ayaa hadda helaya jawaabtii saxda ahayd, waxaanay dadka xidhiidhka caalamig ah falanqeeya aaaminsanyihiin in socdaalkan Madaxweyne Muuse Biixi ka sokow xoojinta xidhiidhka Djibouti; uu ka turjumayo siyaasadiisa arrimaha dibadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here