“Muddo Kordhintu Waa Wax Jira Oo Imanaya”

0
585

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel) ayaa sheegay in Golaha Guurtidu awood Dastuuriya u leeyihiin inay muddo xilkeed u kordhin karaan Xukuumadda iyaga oo qiimaynaya xaalada iyo duruufaha jira.

Jaamac Shabeel oo u waramay Toggaherer waxa kale oo uu sheegay in Diwaangelinta codbixiyayaashu haddii si sax dalka uga qabsoontao ay keenayso in doorashooyinku ku dhacaan wakhtigii loogu tallogalay. “Muddo kordhintu waa wax jira oo imanaya, mar haddii ay doorashadu ku qabsoomi weydo wakhtigeedii oo hore ay u qorshaysnayd  26 June, saacadii ay Guurtiddu shaqadeeda qabsan lahayd baa la gaadhay, saacadaa haddii la marayo waa saacadii Guurtida maanta iyaga awooda leh oo qiimaynaya xaalada, duruufaha iyo wakhtiga ay doorasho ku qabsoomayso oo awooda laha oo ku dhufan kara muddo kordhinta, waana qodob sharci ah, waa dariiq sharci ah oo la marayo markaa Nin jecel iyo Nin neceba wey qabsanaysaa shaqadeeda Guurtidu. Dalalka Somaliland ka teegara doorashada (International Community) waxaanu leenahay xidhiidh wada shaqayneed , waxaanay inaga caawiyaan waxa weeyaan kharashka doorashada, talo weyn keeni karaan, taladoodaana haddii macquul loo karana waa la qaadanayaa hadday macquul ahayna la qaadan maayo oo qolana dalkeeda looguma taliyo, qolona arrimaheeda guddaha laguma farogeliyo.”

 Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Kuwa ku qaylinaya ee leh International Community-gaa sidan yidhi waxaan leeyahay  weli Maskaxdaa la idinka adoonsadaaye oo adoonsigii qarnigii 19-aad baad weli ku jirtaane toosa, qarnigii 21-aad baa la marayaaye adoonsigii waa laga baxay oo Ninkani waa Nin kula mid ah oo xagii ILAAHAY kamuu iman waa qof shaqaale ah oo Safiir laga dhigay oo meesha jooga, ra’yigiisuna maaha mid soo degay waa la dhegaysanayaa ra’igiisa haddii uu macquul noqdona waa la qaadanayaa haddii uu macquul noqon waayana la qaadanayo maayo.”

Waxaanu intaas ku daray “Danta dalkuna Ummadda dalkan leh bay u taalaa, talladeenuna Ummadda dalkan leh bay u taalaa oo 24 sannadood baynu maraynaa, 24 sannadood yaa inoogu mano sheeganaya nabadgelyada, yaa inoogu mano sheegan kara dawladnimada aynu dhisanayn, yaa inoogu mano sheegan kara Dimuquraadiyada iyo nidaamka  aan ahayn doorashadaanu idinka caawinaa iyo kharashkaanu badh idinka bixinaa.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.