Xildhibaan Saleebaan Garas Seed
Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ku taliyey in aad looga feejignaado in muddo kordhin dambe ay timaado, waxaanu ku baaqay in Doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan,khilaaf kasta oo yimaadana sida ugu haboon loo xaliyo.
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddo kordhinta dhaqanka inoo noqday iyo Doorashooyinkeena dib u dhaca waa inaynu ka ilbaxnaa, oo aynu ka taxadirnaa, kuna dadaalna inaynu ka yeelano qorshe fog oo keenaya inaynu aad uga feejignaano wax kasta oo keeni kara dib u dhaca Doorashooyinkeena iyo muddo kordhin, imikana mar haddii Doorashadii laga heshiiyey waa ALLE mahadii ee aynu intaas Doorashada ka dhiman sii xalino wax kasta oo keeni kara dib u dhac, ilaa haddana waan ku faraxsan nahay siday wax u socdaan”.
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Haddii aan anagu nahay Golihii Guurtida, sabab la’aan muddo kordhin u sameeyno ee marka ay dantu keeno ayaanu muddo kordhinta sameeynaa, haddana sida ugu fiican bay hawshu u socotaa, ee ALLE khayr wax walba ha inoogu dhammeeyo”.