Masuul Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Kicin Dadweyne Ku Sifeeyay Hadalkii Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Ee Tabashada Reer Awdal

0
842

Hargeysa(Geeska)-Musafe Maxamed Yoonis( Waxdad)  xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa u jawaabay guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo sheegay in aanay reer Awdal galayb doorasho aan la sixin saami qaybsigeeda.

Masuulkan ayaa ku dooday in aanu dalku hayn tirada saxda ah ee gobalada dalka maadaama oo gobalada dalka aanay qaarkood sanaaduuqdu gaadhin, waxaanu isaga oo xafiiska Kulmiye ka hadlaayay uu yidhi“ Go’aankii saddexda xisbi qaran gaadheen ee ay soo saareen ee ah in doorashada wakhtigeedii lagu qabto waxyaabaha ku gudbana baarlamaanka la mariyo in sidii ay ahayd ay nooga go’antahay oo aanu taageerno xisbi ahaan,  waxaanu taageersanahay go’aankaas ay saddexda xisbi qaran gaadheen ee guusha ah ee walaaltinimadu ku jirto ee qaranimada ah ayaanu taageersanahay, waxa hadlay gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ee ay isaga saddexda xisbi qaran ay u soo gudbinayeen waxii qarankani gaadhay,inuu ka hor hadlo may ahayn intuu Boorama tago may ahayn inuu dadka kiciyana may ahayn, inuu yidhaahdo saami qaybsi ayaa lagu galayaa haddii aan lagu galina waxba kama jiraan may ahayn.”

Mustafe Waxdad oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Qarankani baarlamaankiisu 14 sanadood ayuu halkan fadhiyay doorashooyinkuna waa dimuqraadiyadeenii oo dib u dhacaysa inay qabsoontana saddexdii xisbi ayaa ku heshiiyay,doorashadii ugu danbaysayna waxa qabtay Daahir Rayaale Kaahin oo aad u qiimo badnaa oo reer Somaliland ah , qaabka uu ku qabtayna waa la ogaa oo doorashadani waxay ku salaysan tahay baarlamaankii lixdankii, tiradii ugu danbaysay ee saxda ahayd lixdankii ayay ahayd taas ayaa lagu qaybiyay sidaas ayayna ku salaysan yihiin, tiro saxan oo wali wadanka ka soo baxday oo wax lagu qaybiyaa ma jirto sanaaduuqdu dhul aanay gaadhin, Laasacaanood,Buuhoodle iyo meelo Sanaag ka mid ah ayayna gaadhin dalka inuu sanduuqu wada gaadho oo tiro sax ah ay soo baxdo ayaa loo baahan yahay maalintay taasi timaadan cod ayaynu ku qaybin karnaa maalinta aanay imana waxii rasmiga ahaa ee dalkani haystay ayaa lagu jaan gooyay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here