Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay hadalada sheegaya in Golaha Guurtidu ay muddo kordhin u sameeynayaan Xukuumaddan, wakhti Komishanka Doorashooyinka, Golaha Wakiiilada iyo Asxaabta Qaranku ay isla qaateen muddo kordhin Sannad ah, waxaanu sheegay in sidii awalba laga yeeli jiray muddo kordhinta Xukuumadda laga yeelayo.
Kal-fadhigii ay Shalay Guurtidu ku yeesheen Xaruntooda, isla markaana uu Shir-gudoominayay Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida oo uu sheegay inay ku jiraan Xisbiyada, waxaanu tilmaamay in hadda looga fadhiyo danta Qaranka, “Muddo kordhinta sidii aynu ka yeeli jiray ayuun baynu ka yeelaynaa, inagu Axsaabna ma nihin Xukumadna ma nihin, Komishankii Doorashadana ma nihin, waxaynu Maanta nahay ka talinta dantii Qaranka, Deganaanshaha iyo u adkeysigiisa ayaa Maanta la inooga fadhiyaa, ma degdegsanin ee muddo ayaynu haysanaa oo waa ka gaadhsiin karaynaa, Wadatashi ayaynu yeelanaynaa oo talo dhinac kastaba leh ayaynu qaadanaynaa, oo ah inta ay khusayso ee Sharciyaddu siisay, taladdaas inagoo dhegaysanay baynu inagu go’aankeena qaadanaynaa”.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Cabdi Aadan ayaa mar uu ka hadlaayey Xildhibaano ka tirsan Guurtida oo ku jira Xisbiyada ayaa yidhi “Waa jiraan Ragga qaar Asxaabta ku jira oo kama madhna oo waan ogahay Golaha laakiin, Maanta gar-naq baa la rabaaye Axsaab looma fadhiyo, gar-naq iyo dan ka go’aan qaadasho ayaa la inooga fadhiyaa, waxa kale oo dhani waxay noqonayaan wax daba socda dantaas Qaranka iyo Dadka”.
Gudoomiyaha Guurtida ayaa mar uu ka hadlaayey dadweynaha iyo muddo kordhinta ayaa yidhi “Dadweynaha waxaad moodaa in durba nashuushad la gashay, awal ba muddo kordhintu way dhici jirtay, Maantana way dhici ee ILLAAHAY horta ta toosan ha ina waafajiyo, ta toosan ILLAAHAY ha inagu ilhaamiyo laakiin, go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukumadna u danaynayn Xisbina u danaynayn Nin kalena u danaynayn, Qarankaas baa loo danaynayaa”.
Arrintan horta dadweynaha ayaa leh, innaga wuu inoo igmadaye ma lihin, Dadweynaha ayaynu ka turjumaynaa, Dadkiina waa in laga daayaa kicinta iyo shidida, Dadweynuhu uma baahna kicin, dhibaato in ku filana wuu soo maray. ILLAAHAY inaguma cesho, Illaahayow ha nagu celin”.
Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta iyo Guddi ay u xilsaaranayaan ayaa yidhi “Wax laga cabsado go’aan maaha, go’aan waa loo fikiraa, waa la sugaa kadibna waa la qaataa, markaa waxaa inagu khasab ah inaan go’aan qaadano ee aan sugno. Guddi baynu u saaraynaa aynu muddo u qabano, Sabtida ayaynu Insha Allah iskugu iman, waxa iga dardaraan ah Maantana xilkaas baa ina fuulaye waxaa dhacaya dhagaha ka furaysta”