Mudane Saylici Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Laga Hirgeliyay Gabilay

0
779

 

jilic

Gabiley (Geeska)-Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Saylic i), ayaa shalay xadhiga ka jaray warshad cusub oo soo saari doonta biyaha saafiga ah, taasi oo laga hirgaliyey duleedka galbeed ee magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay furitaankii warshadda biyaha Mina ayaa ku qabsoontay gudaha dhismaha warshadu taal, taasi oo ay kala soo qaybgaleen Madaxwayne-ku- xigeenka, wasiirrada Isgaadhsiinta iyo Ganacsiga, xubno xildhibaannada Golaha Wakiillada ah, qaar ka mid ah mulkiilayaasha shirkadan, culimaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim, Salaadiin iyo marti-sharaf kale oo badan.

Xafladan xadhig-jarista ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ugu horreyn ka hadlay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo si wayn ugu ammaanay mulkiilayaasha shirkada oo uu ku sheegay in ay Gabiley ka furtaan Warshadan, waxaannu farta ku fiiqay in ay taasi dheeli tirayso Gobolada. isla markaana ku hambalyeeyey, waxaanu sheegay in ay ka maamul ahaan soo dhawaynayaan, sidoo kalena dhiiri-galinayaan Horumar kasta oo dalkani ku tallaabsanayo.

Madaxwayne-ku-xigeenku waxa kale oo uu xusay in ay ugu haboontahay in maal-galinta loogu horreysiiyo xaga wax-soo saarka beeraha, iyo in nidaamkii hore wax laga beddalo isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi; ‘Waa in dadkeenii aqoonyahanka ahaa ee cilmiga dibadaha ka soo kordhistay, ee adduunka ka soo kordhistay waa in ay wax ka beddalaan beertii uu shalay ka tagay ee hadhuudhka iyo galaydii yarayd ee aynu beeran jirnay, iyo sicii yaraa ee la daba-joogayey. Sida aynu wax uga beddali karnaanaana waa beertii aynu roobka la sugaynay in aan dhaamam u xidhnaa oo lacagta aynu ku bixinayno Jagada $150,000 (Boqol iyo kontonka kun ee doollar) iyo gaadhiga $100,000 (Boqolka kun ee doollar) aynu u weecino dhaamamka si aynu u soo saarno wax-soo saar Muuqda.”

Md. Saylici oo ka hadlayey qaabka dadka shuraakada ahi khilaafka iskaga ilaalin karaan waxa uu yidhi; “Marka hore hawsha waa la gala, waxaanay muhiimadu tahay in la ilaaliyo sharciyada shirkada gudaheeda iyo maamul wanaageeda, si khilaafka la iskaga ilaaliyo oo aanu muran u iman. Dadkeenana waxaad moodaa in ay u soo bislaanayaan wax wada lahaanshihii.”

Maamulaha warshadda biyaha  Mina Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey Warshadani inta qof ee ku midoobay, ujeedada ay u aasaaseen, sida ay u shaqaynayso iyo heerarka ay marayaan. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waxaa warshadan ku midoobay ilaa lix qof oo qurba-joog u badan, saddex ka mid ah waa maqan yihiin, saddex kalena waa joogaan, ujeedada aannu u aas-aasnayna waa si ay muwaadiniintu uga helaan shaqo oo ilaa hada waxa ka hawlgalay ku dhawaad sodomeeyo qof oo u badan reer Gabiley,” ayuu yidhi Dr. Cismaan. Isaga oo intaa ku daray; “Laba jeer ayey warshadani sifaynaysaa biyaha ilaa caagada la maydhana laguma shubayo biyaha. Waana warshad nooca ugu casriyeysan.” 

 Waxa isaguna munaasibadan xadhig-jarista ah ka hadlay wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday oo tilmaamay Fursadaha ay dheertahay shirkadani shirkadaha kale ee dalka, isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi; “Wajaale waa saylada ugu wayn ee ganacsi, waxaana laga helaa biyaha shirkadaha dhammaantood, Shirkadani way ka fursad fiicnaanaysaa kuwaa kale oo dhan, Sababta oo ah kuwaa kale oo dhami nool dheer ayey soo galayaan. Taasina waa idiin fursad ee ka faa’iidaysta toddobaatanka milyan ee aynu la jaarka nahay ee Itoobiya.”

Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska  Md. Cabdirisaaq Khaliif oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa  ku dheeraaday siyaasada ay dawladu ku qaabilayso maal-gashiga muwaadiniinta iyo muhiimada ay leedahay in la maal-galiyo dalka oo uu ka xusay in fursado shaqo oo badani ka abuurmayaan dalka oo muwaadiniin badani ka hawlgali doonaan. Waxaannu wasiirku carabka ku dhuftay in dawlad ahaan soo dhawaynayaan.

Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed, iyo Oday Cabdi Aw Cumar Kulmiye, oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada ay leedahay Maal-galinta iyo in Dadka loo abuuro Shaqooyin   

Warshadan biyaha ay soo saarayso oo lagu magacaabo MINA ayaa ah warshadii ugu horreysay ee laga hirgaliyey guud ahaan Gobolka Gabiley taasi oo dadwaynaha reer Gabiley si wayn u soo dhaweeyeen hirgalinta Wershadani.