Komishanka Isgaadhsiinta Qaranka Oo Qabtay Kulan Ku Saabsan Wax Qabadkooda

0
1004

 

komishan

Hargeysa (Geeska) Komishanka Technology-da casriga ah ee ICT ee xukumada Somaliland u qaabilsan ayaa kulan hawleed ku saabsan qorshayaasha iyo waxqabakdooda ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulan hawleedka ICT-Komishanka waxaa ka soo qayb galay wasiirka boosaha iyo isgaadhiisinta Axmed Xaashi Oday, wasiirka maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, wasiiru dawlaha arrimaha dibada, gudoomiyaha hay’adda ICT Komishanka Cali Cabdilaahi, masuuliyiin ka socday qaar ka mida shirkadaha ka hawl gala dalka, aqoonyahano kala duwan oo ku takhasusay xirfada ICT-ga iyo marti sharaf kale.

Ujeedada kulan hawleedka ayaa ahayd sidii loo soo bandhig lahaa waxqabadka ay ku talaabsaday hay’adda qaranka u qaabilsan ICT-ga tan iyo intii xilka loo magacaabay. Guddiga ayaa qaban doona kuwo talo bixin ka siiya kuna haga dawladda sidii looga faa’idaysan lahaa technology-da casriga ah, gaar ahaana horumarinta qaranka Somaliland, isla markaana diyaarya sharciyada lagu hagaayo isticmaalka technology-da qaranka Somaliland.

Ugu horaynw waxaa kulan hawleedkaas furay wasiirka boosaha iyo isgaadhsinta Axmed Xaashi Oday oo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo goobo lagu kaydiyo aqoonta ICT- ga, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay horumarka laga gaadhay xaga Somaliland isgaadhsiinta, waxaanu sheegay inay Somaliland ka mid tahay wadamada ku horumaray isticmaalka is gaadhsiinta, isaga oo mahad gaara u jeediyey shirkadaha gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay meel sare gaadhsiiyeen isgaadhsiinta dalka.

Gudoomiyaha komishanka qaranka ee ICT-ga oo halkaas ka hadlay sayaa sheegay inay qorshaha ugu jirto sidii la isugu xidhi lahaa cid kasta oo isku shaqo ah, isaga oo tusaale u soo qaatay wasaarada, gaar ahaana kuwo ku shaqada leh arrimaha dhaqaale iyo cashuur uuruurinta oo uu sheegay inay u samayn doonaan qaab isku xidha shaqadooda (Network), taas oo uu sheegay inay qayb lixaadle ka qaadan doonto hawlaha wasaaradaha qaranka. Waxaanu intaas ku daray inay muhiimada koowaad ay siin doonaan xarumaha dawladda, isaga oo sheegay inay tahay meesha ay jiritoonkoodu ku xidhan yahay, hase ahaatee wuxuu intaas ku daray in aanay marnba dhaafi doonaan kuwo gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay shaqo joogto ah la yeelan doonaan.

Gudoomiye Cali Cabdilaahi wuxuu intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto sidii ay u samayn lahaayeen xarun lagu sameeyo daraasaadka la xidhiidha culuunta ICT-ga iyo goobo lagu uruuriyo dhaliilaha iyo horumarka laga gaadhay dhanka ICT-ga. Wuxuuna intaas ku daray in goobaha baadhitaanka ICT-ga looga gol leeyahay sidii loogu kobcin lahaa aqoonta dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxaysa.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu sheegay inay wasaaradd ahaan ay ka gudbeen qaabkii hore ee ay u shaqayn jireen, isla markaana ay u gudbeen qaab kale oo ah nidaamka ku shaqaynta kombutarkak . wasiir Maxamed Xaashi wuxuu intaas ku daray in qaabka IT-gu uu qayb wayn ka qaatay hawlaha wasaaradda maaliyadda. Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay inay u sahashay farsamada Technology-du kala xadaynta gaadiidka iyo ciidamada diwaangelintooda. Wasiirka ayaa sheegay inay qorshaha ugu jirto sidii ay u samayn lahaayeen Kombuter (Server) laga hago wixii macluumaad ah, gaar ahaana dadka lagu yeesho cashuuraha iyo kuwo ay wax ku baaqdaan liiskooda iyaga oo adeegsanaaya nidaamka ICT-ga.