“Mudane Madaxweyne, Ha U Dhaqmin Sida Muusihii Dorraad Hoggaamiye Kooxeedka Ahaa”

0
697

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kala qaybsanaan uu sheegay inay xilligan ka dhex jirta Shacabka.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo Qoraal dheer ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook ayaa eedaymo culus u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay masuuliyaddiisa tahay inuu Ummadda Mideeyo.

Siyaasi Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Waxaan caad iyo ciiro toonna saarayn, in kala qaybsanaanta bulshada Somaliland gaadhay meeshii ugu xumayd muddo xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi”

Xaashi wuxuu sheegay inay Masuuliyadda Madaxweynaha tahay adkaynta Midnimada Shacabku “Adkaynta Midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, waa masuuliyad saaran dusha iyo dumadda Madaxweynaha. Nasiib darose, waxaa seegay Madaxweynaha in uu ummadda uu odayga u yahay ururiyo oo aanu kala irdhayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Saaxiibkay Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne ha u dhaqmin sidii Muusihii doraad ahaa hoggaamiye kooxeedka. Balse, u dhaqan sidii aad bulsho weynta Somaliland oo dhan aad hoggaamiye u wada tahay, mid ku neceb iyo mid ku jecel, mid ku ogol iyo mid ku diiddan, mid kuu codeeyay iyo mid kaa codeeyay intaba.”

Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay Midnimo la’aan uu sheegay inay ka dhex jirto Bulshada Magaalada Burco “Aramida qaybsanaanta Burco iyo Bari ka jirtaa, waa mid ka gun dheer is qab-qabsiga dhaliinyarada ciyaartooyda ah. Sidaa darteed, aniga iyo Rag badan oo kale waxaa na seegay, in aanu gidaarka dhalanteedka ah ee ka dhex samaysmay Burco iyo dhulka bari ka xiga aanu qaadno, oo qodaxda iyo qaniinka ka idlayno, qolqolka qaraabada iyo qoysaska wada dhashay. Darbigii dhabta ahaa ee lagu kala qaybiyay magaalada Baarliin, dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. 45 sano ka dib, rag baa dumiyay duhur cad, iyaga oo ay daawanayaan dalalkii danta mooday ee Maraykanka, Ingriiska, Faransiiska iyo ruushku. Haddaba, Waxaan leeyahay wixii rag u kaco, rabina aqbalo way rumoobaan.”ayuu yidhi, Maxamuud Xaashi Cabdi.