Cabdillaahi-jawaan Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Taagan Muqdisho Oo Laga Dareemay Gudaha Somaliland

0
562

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa ka hadlay khilaafka ka dhexeeya Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya, kaasi oo salka ku haya xulista Xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay muddada loo qabtay Diiwaangelinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Muqdisho sida aad ogtahay calankii shanta gees ee shanta Soomaaliyeed ka dhexeeyey ayaa Dastuurka ugu qoran, in Soomaali shanta Gobol calankaasi ka dhexeeyo, reer Jabuuti ayaa Barlamaanka ku jira, kuwa Itoobiya ka tagay baa ku jira, kuwa NDF Kenya ka yimid ayaa ku jira, iyo kuwii Soomaaliya ayaa jooga, shantii Soomaaliyeedba Barlamaanka Soomaaliya way ku jiraan, haddii qabiil loo eego waan ka xumahay in labadoodii ugu sareeyey ee mid ahaa  Guddoomiyaha Guurtida ee aqalka sare ee Soomaaliya, midna ahaa Raysal-wasaare ku-xigeen in la iska soo hor jeediyey, waxay ku tahay gunimo, waxay ku tahay fool xumo, waxaan leeyahay waar labadiinu ha wada hadlina, ee Cabdi Xaashi haddii uu yidhi “Haddii gobol lagu sheegayo iyo haddii qabiil la eegayaba, waxaan ahay ninkii ugu sareeyey ee wax ha laga iga weydiiyo xaq buu u leeyahay, Mahdina waxaan leeyahay is kaashada oo ha kala baydhina, anigu waxaan idiin arkaa niman shaqo tagay, Soomaali oo dhan baa u shaqo tagta meesha oo anigu idinku eedayn maayo ee iska shaqaysta, laakiin idinku ha iska hor imanina”.

Mar uu ka hadlaayey Siyaasiyiinta reer Somaliland ee Soomaaliya taga isla-,markaana dib ugu soo laabta dalka ayaa yidhi “Markay halkan yimaaddaan dantoona gaadhaan, warqad yar oo saamaxad ah ayaa loo qoraa, oo nin walba aqalo ayuu dhistaa, anigu dambiilayaal ma sheegayo ee dad shaqo tagay ayaan sheegayaa, laakiin anigu dambiile waxaan ku sheegayaa ninka Somaliland la dagalaamaya ama ka soo hor jeeda ama ceebaynaya”.

Mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayuu yidhi “Diiwaangalin afar cisho ah, toban cisho iyo labatan cisho midna laguma qabto ee Diiwaangelintu waa inay furnaataa oo ninku marka uu kaadhkiisa aqoonsiga la yimaaddo warqadda codaynta la siiyaa, mudada loo qabtay ayaa khalad ah, waa meelaha aynu ku khaldan nahay oo DImuqraadiyaddii iyo Doorashadiinaba aynu ka ambanayno oo aynu qarda jeexayno”

Dhanka kale, wuxuu xusay in mar walba loo baahan yahay in qof walba oo qaandhaa wakhitga uu doonaba ha qaangaadhe inuu helo xuquuqdiisa uu ku codayn karo oo aan lagu xidhin sanado iyo wax la mid ah, wakhtigana aan loo qaban, waxaanu xusay inay jiraan dad badan oo reer guur ah, oo aan fursad kooban oo loo qabtay aan ku iman karin.