Mudanayaal Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Isku Raacay Inaan Dheg Loo Dhigin Aqoonsiga Maraykanka Ee Dawlada Somaliya

1
687

 

xildhibaanoHargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan aqoonsiga uu Maraykanku u fidiyay dawladda Somaliya.

 

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay inuu aqoonsigaasi wax saamayn ah ku yeelan doonin Somaliland iyo qaddiyadeeda.

Xildhibaan Nac-Nac wuxuu sheegay in aanay arintaasi wax saamayn ah ku yeelanayn qadiyada ictiraaf raadineed ee Somaliland, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in Somaliland ku socoto cashuurta yar ee laga qaado Muwaadiniinta, sidaa daraadeedna aanay waxba u noqonayn haddii Maraykanku taageeradiisa uu u leexiyo dhanka Somaliya.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (NAC-NAC) oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wax allaale wax saamayn ah inaguma yeelanayso, inaguna Maraykanka ictiraafkii ayaynu ka sugaynaa. Somaliland, haddii ay sida Taywaan noqonayso kama noqonayso gooni isku taageeda iyo Madax-banaanideeda.”

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo isna ka tirsan xubnaha golaha wakiilada oo shalay hadal ka jeediyay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen hoggaankii hore ee SONYO iyo hoggaanka cusub ee la doortay, ayaa wuxuu sheegay inaan dheg loo dhigin dhawaaqa Maraykanka ee aqoonsiga Somaliya. “Waxyaabaha idaacadaha ka soo yeedhaya waa inaydaan niyad jab ka qaadin, umad ayaynu nahay iyadu go’aansatay waxa uu mustaqbalkeedu noqonayo, markaas dal kale ma go’aamin karo mana bedeli karo waxa aynu inagu go’aansaday.” Ayuu yidhi xildhibaanku.

Comments are closed.