Danjire David Shinn Oo Ka Hadlay Saamaynta Uu Somaliland Ku Yeelan Karo Aqoonsiga Maraykanka Ee Somaliya Iyo Tallooyinka Uu Xukuumadda U Jeediyay

0
730

 

shinHargeysa (Geeska)- Danjire David Shinn oo ah khabiir ku takhsusay arrimaha gobalka Geeska Afrika, muddo dheerna dawladda Maraykanka u fadhiyi jiray dalka Itoobiya,  ayaa sheegay inaanu wax saamayn ah ku yeelan doonin xidhiidhkii Washington la lahayd Somaliland aqoonsiga Maraykanka ee Soomaliya, Somaliland-na xaqiiq jirta ula dhaqmi doono.

Professor David Shinn, oo xilligan wax ka dhiga jaamacad George Washington, ayaa sheegay inaanuu filayn in Maraykanku bedelay ballanqaadkiisii taageerida wada xaajood Somaliland iyo Soomaliya ka yeeshaan xidhiidhkooda mustaqbalka.

Wareysi Maxamuud Walaaleye oo bahda Geeska Afrikaka tirsan la yeeshay professor Shinn, oo Washington jooga, ayuu talo ugu soo jeediyey Somaliland inay xaqiijiso ku dhaqankeeda nidaam dimoqraadi ah, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:

Aqoonsigii Maraykanka ee xukuumada Soomaliya, ma loo fasiran karaa bedelaada siyaasadoodii hore ee labada-wado ee ay kula macaamilayeen Somaliland iyo Soomaliya?

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanku, Clinton si toos ah ugama jawaabin su’aashaa, mar weriye weydiisay. Waxay bayaamisay sida Maraykanku u naawilayo guul ku dhamaadka isbedelka siyaasadeed, oo caddeyn doonta bilowga wakhtiga cusub ee xukunka Soomaaliya. Wax tilmaan ah kuma sheegin Somaliland.

Maraykanka soo sannadkan gudoominaya la-dagaalanka budhcad-badeedka gobolka, Somaliland qeyb ka tahay, ma loo qaadan karaa inay ka baxeen ballanqaadkoodii taageerada shirkii London ee lagu gaadhay wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya?

Inkastoo aanan u hadlayn xukuumada Maraykanka, ma filayo in aqoonsiga Maraykanka ee Soomaliya wax saamayn ah ku yeelanayo xidhiidhkii Washington la lahayd Somaliland.

waxaan rumays nahay in xukuumada Maraykanku sii wadi doonto la macaamilka Somaliland sidii sannadihii la soo dhaafay. Inkastoo ay jiraan talaabooyin aan la muujin oo labadda-wado (Dual track policy), haddana, Somaliland waa xaqiiq jirta, oon aaminsanahay in Washington sidaa ula dhaqmi doonto. Waxay ku xidhan tahay hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaliya inay go’aansadaan qaabka xidhiidhkoodu noqon doono. Ma arko talaabo muujinaysa in Maraykanku bedelay ballanqaadkii lagu gaadhay shirkii London ee sannadkii hore, sidoo kale, ma filayo aqoonsiga Soomaliya inuu bedelayo qorshahii siyaasada Maraykanka ee la xidhiidhay kala-dagaalanka budhcad-badeedka gobolka.

Waa Maxay talada aad Somaliland siinayso si ay ula jaanqaado siyaasadda cusub ee Maraykanka?  

Fikirkayga anigoo dibedda ka jooga, talaabada ugu haboon ee Somaliland waa inay sii xoojiso dhaqangelinta is-maamul dimoqraadi ah, xaliso khilaafyadooda kooxaha Sool iyo Sanaag, isla markaana u diyaargarowdo wada-xaajoodka saraakiisha Muqdisho.