Mudaharaad Shalay Gilgilay Magaalada Borama Oo Ka Dashay Xadhiga Maayarkii Hore Ee Magaalada

0
522

Picture6Borama(Geeska)-Dhallinyaro gadoodsan ayaa shalay magaalada Boorama ee gobalka Awdal ka sameeyay dibad bax rabshado watay oo ay taayiro ku gubeen meelo ka mid ah faras magaaladaha Boorama.

Dhallinyarada ayaa ka gadoodsanaa xadhig ay ciidamada ammaanku kula kaceen maayarkii hore ee Borama Md. Cabdiraxmaan Shide Bile, oo laga qabtay gurigiisa. Badhasaab xigeenka gobalka Awdal ayaa BBC-da u sheegay in maayarka lagu eedaynayo inuu waday falal amniga ka dhan ah. Laakiin xaaska maayarka ayaa eedahaas beenisay. 

Dhallinyarada ayaa waxay isku dhaceen ciidamada Booliska oo doonayay inay xoog ku kala dareeriyaan. Booliska ayaa xidhay dhallinyaro kala duwan oo ay ku jireen saddex saxafi oo iyaga isla shalay gelinkii dambeba la sii daayay.

Magaalada ayaa degtay duhurnimadii shalay, inkastoo suuqyada laga dareemayay raadka dibad baxaas mudaharaadka ahaa ee lagaga soo horjeeday xadhiga maayarkii hore ee Borama.

Geesta kale, xaaska maayarkii hore ee Borama ayaa beenisay in odaygeedu ku lug lahaa arrimo nabadgelyo darro. Ugu horayn iyadoo ka hadlaysa sidii ay wax u dhaceen waxay tidhi   “Waanu iska fadhinay wax Waaran ah oo ay Askartu siteen ma jirin, si Sharci-darro ah oo aad moodayso in Al-Qaacida meesha ku jirto, Afar Qabaal-bay ahaayeen Askarta tiradoodda ma garanayno intay ahaayeen. Si Arxan-darro ah ayay Caruurtii u jidheen isagii (Odaygaygii) oo ay qaadeen way wadda dul-mareen dhamaantoodd, ilaa hadda-na wuu na haystaa Qorigii iyo hanjabaaddii, wax alaale iyo waxaanu ognahay ma jirto oo nalagu haysto. Haddii ay cadayn hayso Dawladdu iyadda cadaysan-doonta oo sheegan-doonta.”

Marwadda Duqii hore ee Boorama waxay intaas ku dartay “Laba Caruur ah oo uu dhalay-baa la xidhay, laakiin keligii uun-baa la qaaday wax Rabshad ah oo aan ogayn ma jirto. Guriga-na wey baadheen oo wax ay ka heleen ma jirto ileen anagu Al-Shabaab ma nihine Askartiina dhamaantood wey ku wareegsan-yihiin Guriga, waxay baadhayaa-na lama garanayo.”

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda dhexe ka soo saartay xadhiga masuulkaas xilka maayarnimo ka gaadhay xarunta gobalka Awdal ee Borama.