Sannadkii 1929 kii xukuumadda Maraykanku waxa ay go’aansatay in ay xabsiga u taxaabto Drew Cali. Laakiin markii uu bilaysku qabanayey waxa uu ninkan kula kacay jidh dil iyo garaacis bahalnimo ah oo dhaawacyo badan gaadhsiisay. Inkasta oo muddo gaaban kaddib la sii daayey Drew Cali, haddana farxad uma ay yeelan dadkii taageersanaa, oo waxa uu xabsiga ka soo baxay isaga oo u buka xanuunka Qaaxada ee uu u dhintay.
Geerida Drew Cali kaddib hay’adda dembi baadhista federaalka ee Maraykanku waxa ay si iwadday xadhiga taageereyaashii qaatay caqiidadiisa. Sannadkii 1940 kiina waxa ay dawladda Maraykanku sii kordhisay gacantii birta ahayd ee ay kooxdan ku haysay, kaddib markii ay ku eedaysay in Jabbaanka ay ku taageersanaayeen dagaalka.
Dhinaca kalana dhimashada aasaasihii diintani waxa ay kooxda ka dhex abuurtay khilaaf la xidhiidha cidda qabanaysa hoggaanka kooxda, kaddib markii uu loollan arrintaas la xidhiidhaa ka dhex bilowday raggii ka agdhowaa hoggaamiyahooda dhintay.
Sida uu ku warramayo diiwaanka xogta ee ‘ Encyclopædia Britannica’ oo dalka Ingiriiska laga leeyahay, khilaafka uu loollanka madaxnimadu ku keenay koox-diimeedkani waxa uu gaadhay in kooxdu ay kala jabto. Waxaana aasaasantay koox labaad oo markii dambe noqotay ururka ugu caansan, ugu hantida badan, uguna awoodda badan ee ay dadka madow ee Maraykanku ku midaysan yihiin. Garabkan cusub oo la baxay ‘Dhaqdhaqaaqa Ummadda Islaamka’ waxaa sannadkii 1930 kii aasaasay Walaas Fardi Muxamed Fardi.
Diinta Moorish waxa ay ku dhisan tahay shan tiir oo kala ah:
– Jacayl
– Run
– Nabad
– Xorriyad
– Caddaalad.
Waxa aanay diimaha kale ee dunida ka jira ee aan samaawiga ahayn kaga duwan tahay, waxa ay aaminsantahay jiritaanka Nebiyadii iyo Rasuulladii hore ee taariikhda soo maray. Waxa se ay ay ku daraan Nobel Drew Cali oo ay ku doodayaan in uu yahay Nebi Alle u waxyooday. Sida oo kale kooxdani waxa ay ku andacoonayaan in Kitaabkoodu uu yahay Qur’aanka Kariimka ah. laakiin Qur’aanku ma’aha kan saxda ah ee aynu naqaanno, balse waa Kitaab ay ugu yeedhaan, “Qur’aanka Kooxda Moorish” ama “Qur’aanka Wareegga 7” Kaas oo ah kitaab ay ku ururiyeen Aayado ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo waanooyin ay ka soo dheegteen Kitaabka Injiilka, ee hore Alle ugu soo dejiyey Nebi Ciise (CS).
Kitaabka Moorish waxa uu ka kooban yahay qaybo uu u kala xidhanyahay, oo ka kooban Suuradda ugu horreysa kitaabka Qur’aanka kariimka ah ee ‘Faatixada’ iyo 28 cutub oo kale. Cutubka koowaad ee Kitaabkan waxa uu ka warramayaa waxa uu ugu yeedhay ‘Taas oo ah qaabka ay Kiritaanku u dhigaaan ka waramidda Waqtigii ay Nebi Aadam iyo Xaawa daacada Alle ku joogeen Jannada iyo markii dambe ee inta ay caasinimo ku kaceen arlada loo soo dejiyey. Cutubka kitaamka Moorish ugu dambeeyaa waxa uu ka warramayaa qiimayaha oo uu ku sheegayo “Dhammaadka waqtiga iyo rumowga Nebinimada”
Kooxdani waxa ay ku andacoodaan in aanay waxba isku khilaafsanayn Islaamka, ama qaarkood waxa ay sheegtaanba Muslim. Waxa se ay ku doodayaan in wadaadkii aasaasay ee Nebiga sheegtay uu ahaa Nin Darajada Nebinimada gaadhay oo uu Raasuulkii Alle ee Muxammed (SCW) u wakiishay in uu danta diinta Islaamka dib ugu soo celiyo, kaddib markii ay ka fogaadeen. Waxa ay sheegaan in ay hayaan haayado sir ah oo Qur’aanka Kariimka ah ka mid ahaa, oo muslimiintu aanay haynin. Laakiin haddana ereyada ay xilliga cibaadadooda isticmaalaan waxaa ku jira dhadhan badan oo Kiristaanka ka soo jeeda, inkasta oo aanay kelmado sax ahina ka maqnayn. Tusaale ahaan ereyada ay ku celceliyaan marka ay tukanayaan waxaa ka mid ah, “Allaah, Aabaha Koonka, Aabaha Jacaylka, runta, nabadda, xoriyadda iyo cadaaladda … Allaah ayaa ah ka i ilaalinaya, Isaga ayaa I hanuuninaya, isaga ayaa dhibta iga furdaaminaya, Habeenkii iyo dharaartiiba isaga oo ii soo dhex maraya nebigiisii Drew Cali” … Intaas kaddib ayaa ay yidhaahdaan “Aamiin”.
Rugaha cibaadada ee Moorish waxaa inta badan lagu qurxiyaa calan midabkiisu casaan yahay oo dhexda ku leh xiddig shan gees ah oo midabkeedu cagaaran yahay. Waa calan si aad ah ugu eeg calanka dalka Marooko, waxa aanay caan ku yihiin in ay ku faanaan calankaas, kuna doodaan in uu calaamad u yahay in ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Marooko.
Isu ekeysiinta dadka Marooko kuma koobna calanka, balse waxa kale oo ay kooxdani caan ku tahay koofiyadda dhaqan ahaan reer Marooko xidhaan ee casaanka ah, waxa aanay ku magacaabaan, ‘Alfaasi’ iyaga oo uga jeeda in ay koofiyaddaas ugu abtiriyaan magaalada Faas ee dalka Marooko.
Dumarka kooxdani waxa ay ay xidhaan xijaab u gaar ah oo ka kooban khimaar madaxa la saarayo oo madow ama cagaar ah, iyo labbais hoose oo isku sii deysan aadna u ballaadhan, maadaama oo ay xaaraan u arkaan in qaybaha jidheed ee gabadha laga dul garto marada.
Kooxda Moorish waxa ay u dabbaal degtaa ciido u gaar ah oo ku salaysan taariikhda miilaadiga, waxaa ka mid ah ciid ay ku magacaabaan, ‘Ciidda dhalashada Nebi Drew” oo ku beegan 8-da bisha Jeenaweri ee sannad kasta. Sida oo kale 15-ka Jeenaweri ayaa ay sannad kasta u dabbaal degaan bilowga sannadka cusub. Waxa kale oo jira ciid ay ku magacaabaan maalinta ‘Deeqda’ oo ay u dabbaaldegaan 17-ka bisha Maarso ee sannad kasta, ciiddan waxaa loogu talagalay in dadka faqiirka ah wax la siiyo oo wax bixinta la badiyo. Ciid afaraad ee kooxdani waa ciidda ay u bixiyeen, “Kulanka waddaniga ah ee Kooxda Moorish” Sannad kasta 15-ka illaa 20 ka bisha Sabtembar waxa ay kooxdani isugu dimaaddaa kulan diimeed ballaadhan oo marka uu soo dhammaado ay ku soo xidhaan damaashaad ciid ah.
La soco…