“Inaanu Dhisno Waxbarashada Dalkeena Waa Mid Naga Go’an”

0
610

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno),ayaa ka hadlay xaaladda Waxbarasho dalka, xilli uu kormeer ku soo maray Gobolada kala duwan ee dalka, waxaanu si gaar ah talooyin ugu soo jeediyey Waalidiinta, Macalimiinta iyo Ardayda kala duwan ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Nasiib wanaag Waxbarashada dalkeenu maanta meel fiican bay maraysaa, inaynu Waxbarashada dalkeenana horumar sii gaadhsiino waa wax naga go’an, si aanu ula socono hadba xaaladda Waxbarasho waa nagaas oo socdaal ayaanu ku tagnay Gobollada kala duwan ee dalka, markaas inaynu dhisno Waxbarashada dalkeena dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed waa mid naga go’an, ee Ardaydu heer kasta oo ay joogaan dadaal joogto ah ha sameeyaan, oo Macalimiinta iyo Maamulkuba ha u dadaalo, oo Waalidkuna hadba heerka ay ubadkoodu marayaan ha ka war hayaan”.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay mar haddii la qaaday Xayaaraddii Koronaha oo goobihii Waxbarashadana dib loo furayo in taxadir badan la sameeyo, oo aad looga taxadiro xanuunka khatarta ah ee Koronaha.