Beijing (Geeska) – Muddadii uu dalkiisa hoggaaminayey waxaa ay taariikhdu u aqoonsatay waqtigii ugu dhiigdaadinta badnaa taariikhda aadamaha oo dhan. Waxa uu dilay ama dhimashadooda sabab u noqday in ka badan 78 milyan oo dadkiisa ka mid ahaa.
Waa Mao Zedong, hoggaamiyihii Shuuciga ahaa ee dalka Shiinaha. Badhtamihii sannadkii 1956 kii, oo 7 sano oo keliya laga joogo markii ay jabhaddii ‘Xoogagga xoraynta shacbiga ahi’ guulaysatay, lana dhisay jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha, ayaa uu khudbad dadka ka yaabisay u jeediyey. Waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay danaynayso in ay dhegeysato aragtida muwaadiniinta ee ka soo horjeeda. Gaar ahaan aragtida aqoonyahanku uu ka qabo nidaamka Shiinaha. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday, awoodda ay dhaliisha iyo mucaaradadda wax-dhisaysaa u leedahay dawladwanaagga iyo horumarka qaranka.
Dadka Shiinuhu bilowgii waa ay qaadan kari waayeen go’aankaas, waayo dawladda Mao Zedong waxaa looga bartay in ay cagta madaxa ka saarto qof kasta oo ay u aragto in uu qabo aragti ta’ay ku socota ka duwan. Qorshahan cusub waxa uu hoggaamiyuhu u bixiyey, ‘Olo’olaha boqolka ubax’ ama sida ay dadka qaar u turjumeen, ‘Dhaqdhaqaaqa boqolka ubax’ waxa aanu fasaxay xoriyadda dhaqdhaqaaqa, hadalka iyo fikirka.
Dadka badankoodu waxa ay ka shakiyeen sida ay suurtagal u tahay in ay maamulkii Mao Zedong naqdiyaan oo haddana aanay ciqaab mutaysan. Sababtaas awgeed dad aad u kooban ayaa markii hore ku dhiirraday in ay dhambaallo talo iyo tusaalayn ah soo gaadhsiiyaan xafiika ninkii raysalwasaaraha ahaa ee Zhou Enlai oo qorshuhu ahaa in uu isku xidho xukuumadda iyo dadweynaha aragtiyaha keenaya.
Gu’gii sannadkii 1957 kii, ayaa masuuliyiintii Shuuciga Shiinuhu ay beddeleen habdhaqankii qallafsanaa ee ay dadka kula dhaqmi jireen, waxa aanay bilaabeen in ay si dabacsan ula macaamilaan. Muddo bilo ah markii ay sidan ku wadeen ayaa dadkii marka hore shakiyey ay dib u soo dhiirradeen, kaddib markii ay arkeen in aanay dawladdu sidii looga bartay gacan bir ah ku qaban dadkii mucaaradadda kala horyimi. Markii ay is biirsadeen habdhaqannadan suuban iyo falalkan taban ee xukuumadda laga arkay, ayaa ay aad u soo kordheen dhambaalladii naqdinta iyo mucaaradadda ahaa ee xukuumadda loo dirayey. Gaar ahaan aqoonyahankii shiinaha ayaa markii ay dareemeen in ay ku badbaadayaan waxa ay bilaabeen in ay naqdiyaan siyaasaddii xukuumaddu ku dhaqaysay dalka.
Dhambaalladii waa ay kordheen oo ay sii bateen illaa ay malaayiin dhambaal isdul tuulmeen xafiisyadii xukuumadda. Waxaa la naqdiyayey habdhaqannada masuuliyiintii Shuuciga, waxa aana si adag looga soo horjeeday siyaasadihii dalka lagu dhaqayey oo ay u arkayeen in ay aad ugu dhowyihiin siyaasadihii uu Stalin ku dhqay midowga Soofiyati. Waxaa la dhaliilay nolosha barwaaqada iyo kibirka ah ee ay ku noolaayeen hoggaamiyeyaashii dalku iyada oo ay dad aad u tiro badan oo muwaadiniintii dalka ahi gaajo iyo jaahilnimo la silcayaan.
Dhinaca kalana hoggaamiyihii Shiinaha ayaa aad uga warwaray sidii ay wax u socdeen. Mao Zedong waxa uu arkay in xorriyaddii uu fasaxay ay bilo gudahood xanuun iyo warwar ku tahay xukuumaddiisa. Waxaa dhan walba ka yimi dhaliilo kulul oo loo jeedinayo nidaamka maamul ee uu hoggaanka u hayey, xisbiga talada haya iyo xitaa isaga shakhsiyaddiisa. Waxaa soo baxay dad aqoonyahan ah oo ay dadku dhegeystaan oo maqaallo ku faafinaya wargeysyada dalka, waxa la dhejiyey boodhadh waaweyn oo ay dadku kaga soo horjeedaan dawladda kuna dalbanayaan in dib u habayn iyo maamulwanaajin la sameeyo.
Nidaamkii Shuuciga ahaa iyo kelitalisnimadii Mao Zedong waxa ay arkeen in aan intaas ka badan loo sii adkaysan karin xorriyadda dadka la siiyey ee khatarta ku ah kursigooda, sidaa awgeed waxa uu hoggaamiyihii shuuciyadda Shiinuhu ku dhawaaqay in uu joojiyey xoriyaddii ‘Boqol ubax ah’ isaga oo weliba ku tilmaamay in uu noqday geed xashiish sun ah. Dhawaaqaas kaddib waxa ay xukuumaddu dhaqangelisay tallaabooyin amni oo aad u qallafsan. Waxa ay xabsiyada u taxaabtay 500 oo kun oo ah labeentii iyo haldoorkii dadka Shiinaha ee mucaaradka ku ahaa xukuumadda ama naqdiyi jiray.
Booliiska ayaa qaaday hawlgallo amni oo uu ku soo xidhayo cid kasta oo lagu arko ama laga dareemo dhaliisha xukuumadda, waxa aana si gaar ah loo bartilmaameedsaday dadkii muddadii xorriyadda la siiyey, ku cana baxay qoraallada iyo hadallada ay dawladda ku dhaliilayaan. Waxaa ka mid ahaa rag magac ku lahaa u doodista iyo u ol’olaynta xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadamaha, sida Luo Longqi iyo Zhang Bojun.
Maxaabiistaas tirada badan waxa ay xukuumadda Shiinuhu u dirtay xarumo waaweyn oo ay ku diyaarisay shaqooyin qaranku u baahnaa oo xoog shaqo iyo mid maskaxeedba looga baahnaa. Xarumahaas oo loo bixiyey, Laogai waxaa ka jiray shaqo aad u adag oo qofku aanu daryeel caafimaad iyo cunto fiican midna ka helayn. Malaayiin dad ah ayaa silic ugu dhintay xarumahan. Waxa ay dawladdu ku magacowday barnaamijka ‘Dhaqan celinta’ waxa se uu ahaa nidaam ciqaabeed la doonayo in qofka lagu shaqaysto oo ciqaabtiisu ay noqoto shaqooyinka ugu dhibta badan. Sida oo kale waxa uu Mao Zedong sameeyey liis dheer oo uu u bixiyey liiska ‘Khaayimiinta iyo kuwa hantigoosadka (Reer galbeedka) la saaxiibka ah. Waxaa la dilay tiro aad u badan oo ah dadkii mucaaradnimada lagu bartay iyo dadkii dhaliili jiray nidaamka dalka ka taliya.
Dad badan ayaa aaminsan in sababta uu Mao Zedong marka horeba xorriyadahan u ogolaaday ay ahayd in uu barto dadka mucaaradka ku ah nidaamkiisa ee qarsanaya. Waxa uu ahaa dabin uu ku ugaadhsanayey dadka nidaamkiisa diiddan ee mcuaaradaddoodu wax yeeli karto, markii uu si fiican liiskaas u buuxsadayna waxa uu joojiyey xorriyadihii uu hore u fasaxay.
Waxqabad
Lama dafiri karo in Mao Zedong muddadii Shiinaha uu hoggaaminayey uu jidka u xaadhay horumarka uu maanta Shiinuhu ku naalloonayo, sababna u ahaa in dadka Shiinaha uu ku dhaco isbeddel weyn oo ka dhiga ummad casri ah, oo caafimaadka, waxbarashada iyo warshadayntaba ka dhisan. Waxa ay ahaayeen dad kumannana sano ku dheggenaa dhaqankii awoowyadood oo ay muqad u arkayeen, sidaa awgeed aan diyaar u ahayn isbeddel, waxa aanu u beddelay bulsho nolosha casriga ah la qabsatay, oo dalku yahay waxa ugu weyn ee ay muqaddaska u arkaan.
Burburintii
Muddo afarsano ah oo u dhexeysay 1958 kii illaa 1962 kii ayaa uu hoggaamiyihii shuuciyadda Shiinuhu sabab u noqday dhimashada dad tiradoodu u dhexeysay 45 milyan illaa 78 milyan oo muwaadiniintii dalka ah. Malaayiin dadkan ka mid ahi waxa ay ahaayeen dadkii mucaaradka ku ahaa nidaamkiisa iyo dawladdii uu dhisayey ee shuuciga ahayd. Inta kalana waxa ay isugu jireen dad tobannaan milyan gaadhayey oo u dhintay macaluushii dalka Shiinaha ka dhacay intii u dhexeysay 1959 illaa 1961 kii. Waxaa lagu naanaysaa ‘Macaluushii weynayd ee Mao’ abaaro dhacay, cimilada oo xumaatay iyo ta ugu daran oo ahayd siyaasadihii dhaqaale ee Mao Zedong ayaa la aaminsanyahay in ay sabab u ahaayeen macaluusha. Intii ka dambaysay sannadkii 1980 kii ayaa ay dawladda Shiinuhu si rasmi ah u aqoonsatay in macaluushaas lagu le’day sababteeda koowaad ay ahayd qorshe xumo iyo qaladaad ku jiray qorshihii horumarinta dhaqaalaha ee Mao oo masiibo isu beddelay. Waxa ay dawladdu qirtay in boqoliiba 30 dhimashada iyo khasaaraha dhacay ee macaluushaasi keentay ay sababtoodu ahayd xaalado dabiici ah oo abaaraha iyo cimilada oo xumaatay ku jiraan, halka boqolkiiba 70 ka hadhay ay sababtoodu ahayd maamul xumo iyo siyaasadihii dhaqaale ee qaldanaa ee ay xukuumaddu isku dayday in ay fuliso.
Si kastaba ha ahaato ee waxaa xiise leh in Mao Zedong oo dadka xukunkiisa iyo amarkiisa ku dhintay ay ka badan yihiin inta uu galaaftay Hitler oo dunida oo dhan la gaadhsiiyey heer in uu yahay ruuxa ugu arxandarnaa ee soo maray taariikhda casriga ah ee adduunka, haddana isaga waxa ay dalkiisu u aqoonsan yihiin in uu ahaa halyeey dhisay jamhuuriyad casri ah, waxa aanu taariikhda dalkaas ugu xusan yahay, ‘Aabaha jamhuuriyadda Shiinaha’.