Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabay Dhaliilo Loo Jeediyay Wasiirkiisa Khaarajiga, Iyo Nuxurka Weedhaha Uu Sida Weyn Uga Gubtay

1
570

 

878787Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si cadho leh uga jawaabay dhaliilo loo jeediyay wasiirkiisa arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaanu sheegay inuu ku kalsoonyahay wasiirkiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa ka baaqsaday inay kulan la yeeshaan jaaliyadda Somaliland, oo uu Madaxweynuhu la kulmi jiray safaradiisii hore. Taas bedelkeedna, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo habeen hore kulan la yeeshay dad kooban oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland oo si gaar ah loo soo xulay, waxaana la diiday in gebi ahaanba Madaxweynaha su’aalo la weydiiyo. Hase yeeshe aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi, oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo degen dalka Ingiriiska, kuna takhsusay xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta dunida saddexaad, ayaa shirkaas ka dhex kacay, waxaanu ka sokow bixinta darajada ciidamada oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyay, halkaas ku soo bandhigay warqad uu qoray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu kaga tiraab celiyay digniintii amni ee Ingiriiska, waxaanu Dr. Maxamed Haaruun, sheegay in ereyada warqadaas ku qorani ay laf jab ku yihiin Somaliland.

Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo oo markii dambe hadalka qaatay ayaa si cadho leh uga jawaabay dhaliilaha uu Maxamed Haaruun soo bandhigay. Madaxweynaha oo wejigiisa cadho laga dareemayay ayaa yidhi “Masuuliyiintii qaranka ayaanu nahay marka aanu halkan idiinku nimaadno waxaanu idinka mudan nahay ixtiraam iyo sharaf, saaxiibkeen halkaas ka hadlayaa war qad ayuun buu sidaas leeyahay mana akhiriyaayo.” Laakiin Maxamed Haaruun ayaa dhex galay oo ku dhawaaqay inuu qoraalkiisa akhriyay, balse Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hortiina waxaan ka sheegayaa Maxamed Cabdilaahi inaan ku kal soonahay oo boqolkiiba boqol ku kalsoonahay, ma diidanin dhaliisha oo dawlad ayaanu nahay binu aadamna waanu nahay, waanan yeelan karnaa dhaliil, laakiin yaan laga abaalka darin waxaanu qabanay, qof gaar ahina inuu kuu muuqdo ma wanaagsana, waxaad sheegaysana in caam ahaan dawlada layskaga sheegana waanu iska ogolnahay, waxaasina waad ku liidataan waxaasna waad ku wanaagsan tahiin, cid malaa’iig ah iyo cid wanaagsani ma wada jirto, in qof dusha looga baxo maaha haddii mid kaayo dhaliil leeyahay anaguna waanu la leenahay, talada aad soo jeedi naysaan waanu eegaynaa waanu ka fikiraynaa waanu toosinaynaa laakiin waa inay daacad idinka ahaataa idinkana.”

Comments are closed.