Milicsiga Xidhiidhkii Maraykanka Iyo Somaliland Ee Waagii Raayale

0
1001

Hargeysa(Geeska)-Sannadihii 2006 ilaa 2010 ayaa la aaminsanyahay inuu ahaa wakhtigii uu ugu wanaagsanaa xidhiidhka Somaliland iyo dawladda dunida ugu awooda badan ee Maraykanka.

Madaxweyne Rayaale ayaa socdaal uu ku tagay dalka Maraykanka, wuxuu kula kulmay masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, waxaana wakhtigaas socdaalkii Rayaale cambaareeyay madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaas Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Waxa weli la xasuusanyahay socdaalkii taariikhda reebay ee ay kaaliyihii Maraykanka u qaabilsanaa Afrika Jendayi Frazer sannadkii 2008 ku timid Hargeysa. Socdaalkaas oo saxaafadda caalamka ku soo jeediyay Somaliland, ayaa la aaminsanyahay inuu xudun u ahaa xidhiidhkaas Maraykanka iyo Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sida ay wakhti sii horaysay faafisay shabakadda siraha faafisa ee Wikileaks wuxuu wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga Afrika ka dhex waday.

Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas la kulmay masuuliyiinta Maraykan ah, wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ka gudbeen khilaafkii colaadaha ee wadamada jaarka ah ee ay dhaxalsiisay dawladii Maxamed Siyaad Barre, “Dadka reer Somaliland iyagoo aqoonsan in qaranimadu aanay ahayn isirnimo keliya balse lagu dhiso mabaadii iyo caaqiido waxay garwaaqsadeen inay ka gudbaan khilaafkii iyo colaadihii ku ladhnaa raadintii Somaliweyn.” Ayuu ku yidhi Daahir Rayaale Kaahin saraakiil Maraykan ah oo uu la kulmay oo uu horkacaayay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa Donald Yamamoto oo maanta dawladda Maraykanka u fadhiya Muqdisho.

Danjire Yamamoto oo maanta jooga Muqdisho ayaa waxa dhawr goor lagu eedeeyay inuu indhaha ka lalinayo Somaliland, islamarkaana uu culayska saaray dawladda Muqdisho. Xataa waxa lagu eedeeyay inuu mucaawinada Maraykanka ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya badankeeda u leexiyo Muqdisho.

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ee uu la kulmay wakhtigaas u sheegay inuu Midowga Afrika ka dhex waddo olole aqoonsi raadis, isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Ethiopia, Rwanda, Uganda, Tansaaniya iyo Zambiya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in wasiirkiisii khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu wakhtigaas u safrayay wadamada Gaana iyo Toogo si uu ugu dhiirigeliyo aqoonsiga Somaliland.

Daahir Rayaale Kaahin wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ah u sheegay inuu la kulmay xoghayaha Ingiriiska wakhtigaas u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo wadamada barwaaqo sooranka Lord Sipdis Triesman, kaas oo uu sheegay inay isla garteen inuu wadamada Afrika culays ku saaro aqoonsiga Somaliland, “Waxaan markaas Maraykan ahaan idinka dalbanayaa inaad sidaas Ingiriiska yeeshaan.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.