Duur Oo Ka Jawaabay Su’aalo Laga Waydiiyey Inuu Ka Gaabiyey Ka Qayb-galka Shirarkii WADDANI, Kuwa Madaxweynahana Badiyey

0
741

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, xilligana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka, Amniga, hoggaaminta Madaxweynaha iyo arrimo kale.

Mr. Duur waxyaabaha uu ka hadlay waxa ka mid ah Amni-darrada ka taagan Deegaanka Ceel Af-weyn, halkaasi oo dagaal-beeleed ku soo noqnoqday iyo weliba siduu u arko in xal looga gaadhi karo.

Maxamed Nuur Carraale oo u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan SAAB Tv, oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Masuuliyadda amniga Laamo Dawladeed ayaynu u xil-saaranay oo Ciidamo leh oo Wasaarado leh, wixii Nabadgalyada dhaawacayaa waa Masuuliyad-darro Cid taabanaya, keena caqliga leh ayay taabanaysaa, keena Lacagta leh ayay taabanaysaa, Bulshadana wax bay ka taabanaysaa, Qarankiina Cid bay taabanaysaa oo Masuuliyaddaa ka masuul ah. Masuuliyadda (dagaalka Ceel Af-weyn) Dadkii lahaa, sidii ay ahayd iyo Culayskii ay lahayd bay leedahay ee haka gilgishaan, Gurmad bay leedahay ee ha u gurmadaan oo ha gaadhaan goobta wax ka dhaceen, Waayo? Waxa ka ratimmaya in Gunteeda la gaadho waxa Boogtani la bogsan la’dahay. Masuulku markuu meesha wax ka dhaceen gaadho, waxa jooga kii wax geystay iyo kii loo geystay, mid walba wuxuu rabaa Gargaarkiisa, Qofka wax gaadheen wuxuu bogsanayaa marka Qaranku culayska ka dul-qaado oo uu arko kii wax geystay oo la baacsanayo, Ciddii wax geysatay oo la xukumayo, Ciddii wax geysatay oo Qisaas lagu fulinayo, Ciddii wax geysatay oo Sharciga la hor-geynayo.”

Duur wuxuu ka digay in Masuuliyiinta Dawladdu iyagoon tagin halka dhibaatadu ka taagan tahay inay Go’aamo soo saaraan “Go’aannada (Ceel Af-weyn) yaan lagu qaadan Xafiisyada Kuraastu taallo iyo Hadhka, halka wax ka dhaceen ee Bacadka iyo Boodhka leh waa in Masuulku is dhex taagaa oo uu Geedka fadhiistaa, si uu u kala garto Xalalka uu isticmaalayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey wuxuu is leeyahay way u dhamaan la’dahay Arrinta Ceel Af-weyn  “Waa laga gaabiyey maaha ee dhamaystirkii ayaan weli la gaadhin. Dadka meesha dhibaatadan ka geysanayaana waa Dadkeennii, waa wax ma garad, waa Dadkaa gaan waayay Walaalkaa la garnaqso, waa Dadkaa garan waayay Walaalkaa bedbaadi, markaa waxay soo gaadhay wakhtigii hawshani waxay u baahan tahay la gelin lahaa, haddii kale waa Fidmadaa innagu fidaysa.”

Duur oo la waydiiyey waxyaabihii u suurto-geliyey inuu soo afjaro dagaal-beeleed markii uu Wasiirka arrimaha gudaha ka dhacay Ceerigaabo, ayaa ku jawaabay  “Xukuumad baan ka mid ahaa, Wada shaqayntii iyo is garabsigii Dawladnimo haddaanan haysana, Hay’ado Amni ayaan Oday u ahaa, Hay’adihii amnigana wada-shaqayn buuxda ayaan ka helay, Dadkii deegaanka ayaan wada shaqayn ka helay, haddaan is idhaahdo maxaa kuu gaar ahaa, waxaan is leeyahay niyad-wanaag baa ii gaar ahaa iyo inaan firfrcooni iyo dedaal u hayey inaan shaqadayda qabsado, gargar-darro inay gar-darro tahay oo aan farta ku fiiqo ayaa iga go’nayd, Qofka gar-darrada wadana in la qabto oo Sharciga la hor-geeyo ayaan jeclaa, waxa kale oo aan jeclaa Qofka walaalkay ah ee wax gaadhaan inaan la ooyo, inaan wakhti siiyo, inaan la fadhiisto oo aan Qanciyo, inaan tuso intii uu isagu Sharciga Gacanta ku qaadan lahaa inaan tuso oo aan idhaahdo Anigaa Dawlad ah oo ku filan ee Aniga i sug.”

Duur wuxuu sheegay in aan la aqbali Karin Xukuumaddu xal waydo Arrinta Ceel Af-weyn “Wixii dhacay waa inay Cid u diwaangashan tahay oo ay u Xisaabsan tahay, Madaxweynaha, Wasiirka Amniga iyo Guud ahaan Xukuumadda, wixii halkaa ka dhacay waanu daweyn kari waynay, kolay anigu kama ogoli. Waxaanan oga ogolayn, haddaan Qarannimadeena, haddaan Dirayskeena, haddaan Dawladnimadeenu, haddaan dhaqaalaheenu, haddaan laba Beelood oo Maryo cas ama in yar oo Fidmo-wadeyaal ah oo laba Beelood ka kala tirsan ku kala qaban karaynin oo aynaan ku dawayn karaynin, waxaynu dhisanay ayaa taag daran.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Dawladnimada Somaliland u dhisani intan way ka adag tahay, waxaan laabta ugu garaaci jiray waxaan haystaa Ciidan Qaran oo Beel ka adag, waxaan qabaa Ciidanka Qaranka, Dawladnimadii iyo Dhaqaalihii inay Maanta ka xoog badan tahay mooyaane inay ka taag-daran tahay uma arko, markaa eeddaa laga duwi waayo eeddaa Xukuumaddaa, markaa waxaan leeyahay Maanta yayna idinla dhaafin.”

Duur oo la waydiiyey xidhiidhka isaga iyo Madaxweynaha, ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha in badan baan la kulmay, mar kasta oo aan u tagana waxaan kala hadlaa Dan-guud, hadday Nabadgalyo tahay, hadday Duruuf tahay, hadday tahay Xal u raadinta wixii la soo maray, doorashadii illaa Maantana Madaxweynaha Xidhiidh fiican baanu leenahay. Madaxweynuhu waa Odaygii guud ee Qaran, Aniguna waxaan ahay Oday masuul ah oo Qaranka muddo badan u soo shaqeeyay, Maanta xil ma hayo, laakiin Lexejecladiisa iyo ilaalintiisu haddaanan Maanta xil haynin ima farayso inaan ka hurdo.

Duur wuxuu sheegay inuu dedaal badan geliyey in Qaranku ka soo kabto raad aan wanaagsanayn oo ay ka tagtay doorashadii 2017-kii  “Raad badan oo Doorashadii ka tagtay Dawo u raadinteedii Culays badan, Colaad badan iyo dagaal badan ayaan ku mutaystay, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaynu Maanta Nabad ku joogno, markaa Albaabka Madaxweynuhu sidii Oday Somaliland ah ayuu iigu furan yahay, Aniguna waxaan la tagaa wax wax ka taraya ama inoo dhisaya Dalkeena.”

Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa in Dadweynaha qaarkood is waydiiyaan inuu WADDANI ka mid yahay iyo inuu Kulmiye ku biiray ayaa ku jawaabay “Intii doorashada ka dambaysay ma jirto meel aan ku biiray, Xisbnimada, Masuuliyadda iyo Xornimada Ra’yigaygu way kala duwan yihiin, Xisbinimada uma aqaano inaan ka oodnaado Madaxweynaha dalka, haddii olole iyo doorasho la soo galayna way dhamaatay oo Albaabkaasi wuu innaga xidhmay, haddii doorasho lagu jiro inaynu Kulmiye kala oodnaano Xisbinimo uma aqaano. Anigu Oday baan ahaa oo Masuuliyad baa I saarnayd, Odaynimadaydii eed badan baa la soo jeediyey, Xisbigaygii WADDANI baan ahay, meel aan kaga tagayna ma jirto, Xubin Golaha dhexe ah baan ahay, laakiin taasi I fari mayso in Albaabbada qaarkood iga Mabnuuc yihiin.”

Mr. Duur waxa kale oo uu sheegay in ujeeddada uu Madaxweynuhu ugu tagaa tahay inuu la taliyo uun, sababta aanu u tagin Xafiisyada Xisbiga WADDANI-na tahay inaanu haynin Masuuliyad aan ahayn inuu Golaha dhexe ee Xisbiga ka mid yahay “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaan u aqaanaa Madaxweynihii  Qaranka ee ku guulaystay doorashadii dhacday, 2017. Mar haddii doorashadii dhamaatay, Qofka masuuliyadda saaran in loo tago oo wixii khayr ah in loo sheego oo lala taliyo intuu kaa dhegaysanayo (Weeyaan). Waxa hubaal ah, in Xisbiga WADDANI aanan Maanta shaqo ka haynin, shaqo lagu hawlan yahay Maantana Cid haysaba maan arag, markaa Xafiisyada WADDANI ma tago, Waayo? Shaqo ii taallaa ma jirto, midna way ii dheeraayd Aniga, Doorashadii markii ay laba Habeen ka soo wareegtay ayaan Guddoomiyahayga la hadlay oo aan ku idhi waynu dhacnay, Cid kastana waxaan u sheegay in doorashadii la naga helay, dhawaaqii Maalintaa soo baxay iyo Dadkii gadoodsanaa ee doorashadii cadhada ka dhaxlay waxay noqotay inaan iska hor nimaadno, waxaan tabayey in Guddoomiyuhu kala garto hoggaaminta guud iyo Talada adag cidda looga baahan yahay iyo Caadifadda in la kala saaro oo aynu gacmaha is qabsano, si Qaranka looga bedbaadiyo inaanu doorashadii innaga raacin.”

Duur oo la waydiiyey inuu qabanayo hadduu Madaxweynuhu uu Xil Wasiirnimo u dhiibo, ayaa ku jawaabay “Masuuliyadda iyo wixii hawl la iiga baahdo waan qabanayaa.”

Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sida uu u arko hoggaaminta Madaxweyne Biixi  “Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweynihii Qaranka, ma dhaliil la’aan karo, intii Madaxweyne ina soo martay, illaa kii ugu horreeyay illaa Maanta oo uu isagu Madaxweyne yahay ma dhaliil la’ayn, mid kasta waa la dhaliilayey Madaxweyne kasta, isagana in dhaliilo xaq baa loogu leeyahay, dhaliilna way jirtaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wax badan baa ka maqan, waxaan jecelahay inuu wada tashiga badsado, inuu dhegaysiga badsado, inuu kalsoonida isaga ku jirta yareeyo, wax ka tanaasul, bani-aadamka reer Somaliland-na Albaabbadaadu intay u furan yihiin wax badan baad helaysaa, kursiguna isagaa ah ururiyaha, hoggaamiyuhu waa ururiye, waa dhegayste, markaa waxaan is leeyahay waxa ka dhiman dhegaysi badan, waxa ka dhiman Talo urursi badan.”

Duur oo Waraysi siiyey Telefiishanka Saab Tv Oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey cidda leh qabashada Doorashada “in Doorashado la qabto iyo qaabka loo qabanayo waa Masuuliyadda Xukuumadda, laakiin Mucaaradkana wax badan baa ka khaldan, halka Mucaaradku ay Doorashadii iyo Xukuumaddii ay Waddadaa hayn lahaayeen waddo komiishan la yidhaahdo ayay ku baydheen oo Illaa Maanta taagan, Waddadaa baydhisteeda Mucaaradkaa lahaa, wakhti badana wuu kaga lumay..”

Duur waxa kale oo uu sheegay “Saddexdii Hoggaamiye iyo saddexdii Xisbi way wada joogaan, hadday eeddo ahayd Madaxweynaha ayaad u galgashaa Xisbiyaduba way galgalaan. Markaa Anigu u galana maxaa dambiga ka dhigay, markay odayaasha kale u galaan maxaa khayrka iyo badhaadhaha ka dhigay, bal iyagaa hoggaamin leh, iyagaa Bulshadu ku kala qaybsantee, iyagaa doorasho laga rabaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Shalay markii doorashada lagu jiray, maxaa la I odhan jiray, Mus-dambeedka Xisbiga WADDANI, Anagaa lana tilmaami jiray, maxay muujinaysaa, waxaanu ahayn

Hoggaamiyeyaashii Shalay, Maantana waxaanu nahay hoggaamiyeyaasha Maanta, Maxaa maanta loo baahan yahay, doorasho Wakhtigeedii wuu dhamaaday, halla gaadho doorasho, yaan ummaddu qaybsamin, ummadda faraheedu yaanay is gaadhin oo is dilin, Ummaddu yaanay raacin doorashadii. Masuuliyaddaas ayaan isku taagay inaanu Ummaddu doorashadii raacin, isku dilin, Qaybsamin, khatarna waynu galnay, laamidaasi way gubanaysay, Masuuliyaddaas ayaan qaaday oo waan isku dhigay, dan kama lihi Facebook iyo wax ma garadka I caayaya, waxaynu u baahan nahay inaynu Dadka ku hagno Masuuliyad, waan isku dhigay oo Maalintii ay adkayd ayaan idhi ‘waynu dhacnay’, Cabdiraxmaan oo aanu ka wada-hadalnay wuxuu yidhi ‘waxaad ku dhiiratay Codkaa maalin aan lagu dhiiran’ Markaanan Maalintaa ku dhiiran goormaan ku dhiiranayaa, ma marka Meydkoodu dariiqyada yaallo.”