Milicsiga Xidhiidh Uu Madaxweyne Cigaal La Bilaabay Ereteriya; Ujeedadii Uu Ka Gaadhay Iyo Su’aasha Mar Kale Maanta Taagan

27
3070

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, markii 1993 loo doortay hoggaaminta Somaliland, wuxuu xidhiidh diblomaasiyadeed la bilaabay wadamada gobalka ee jaarka la ah Somaliland.

Dalalka uu xidhiidhkii u horeeyay la bilaabay waxa ka mid ah dalka Ereteriya oo uu booqashadii labaad ku tagay. Booqashadii koowaad wuxuu Marxuum Cigaal ku tagay Kenya oo uu Madaxweyne ka ahaa Daniel Arap Moi oo ay saaxiib ahaayeen, waxaanu markii uu Kenya ka soo noqday soo maray dalka Ereteriya oo loogu sameeyay qaabilaad aad u heersaysay, iyadoo madaarka Asmara loo dhigay rooga cas, waxaanu la kulmay Madaxweyne Isias Afawerki. Socdaalka Marxuum Cigaal ee Ereteriya waxa ku weheliyay xubno ka tirsanaa golihiisii wasiirada.

Wuxuu Marxuum Cigaal socdaalkaas Ereteriya uu ku tagay uga dan lahaa ujeedo diblomaasiyadeed oo uu aakhirkii guul ka gaadhay, waxaanu socdaalkii ku xigay Ereteriya ku tagay wadanka Itoobiya oo u soo diray martiqaad rasmi ah.

Markii ay isku dhaceen ee uu dagaalku dhex maray Addis Ababa iyo Asmara, wuxuu Marxuum Cigaal isku dayay inuu labada wadan dhexdhexaadiyo, isagoo doonaya inuu ciyaaro kaadh diblomaasiyadeed islamarkaana ka faa’iidaysanaya xidhiidhka uu la bilaabay madaxda labadaas dal, waxaanu waraaqo u kala diray labadii hoggaamiye ee Ereteriya iyo Itoobiya Issias Afawerki iyo Meles Zenawi.

Magaalada Asmara oo markaas ay dalalka gobalku culays diblomaasiyadeed saareen,  wuxuu Marxuum Cigaal u diray wefti wasiiro ah oo ka koobnaa laba xubnood oo kala ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda Marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo wasiirkii Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Weftigaas wuxuu Marxuum Cigaal warqad ugu dhiibay madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki, waxaanay nuxurka warqadaasi ahayd in Somaliland diyaar u tahay inay dhex gasho khilaafka labadaas wadan.

Si kastaba ha ahaate, waxa jiray xidhiidh uu Marxuum Cigaal bilaabay oo u dhexeeyay Somaliland iyo Ereteriya laakiin markii dambe u curyaamay xaaladda gobalka ku soo korodhay ee ahayd dagaalkii cuslaa ee dhex maray Itoobiya iyo Ereteriya iyo go’doonka ay Ereteriya ka gashay dunida.

Haddaba, waxa maanta isbedel uu ku yimid xaaladii gobalka, waxaa soo laabtay xidhiidhka ay Ereteriya la lahayd dalalka gobalka, waxaana la isweydiinayaa in xukuumadda wakhtigan ee madaxweyne Biixi ay soo celin doonto xidhiidhkaas Somaliland iyo Ereteriya ee duruuftu lumiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here