Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya HalAbuurka Iyo Waallida

57
3535

Hargeysa (Geeska) – Caalim lagu magacaabi jiray John Nash oo cilmiga dhaqaalaha ku qaatay abaalmarinta Nabal Prize ayaa lagu naanaysi jiray ereyga afka ingiriisiga ah ee ‘The Crazy Genius’ oo aynu ku macnayn karno garaad badanihii waalnaa.

John Nash waxa uu hal-abuuray aragtiyo badan oo wax ka beddelay dariiqii uu ku socday cilmiga dhaqaalaha ee casriga ahi. Isaga oo dhinaca kalana kala tacaalayey xanuunka kelinimada (Faquuqa) isla hadalka, qofka, ‘Hallucination’ oo ah qofka oo ah maskaxda oo is moodsiisa muuqaallo ama codad aan jirin.

Waxaa lagama maarmaan ah in aynu is weydiinno, sidee ay u dhici kartaa in hal-abuurnimo iyo garaadbadnaani ay meel isugu yimaaddaan xanuun nafsi ah iyo waalli?! Ma se rumaysan kartaa hadalka dad badani ku celceliyaan ee ah in fariidnimada badan iyo waallida ay u dhexeyso tin yar oo ay dhici karto in si dhayal ah fariidnimadu dhanka waallida ugu tallowdo?

Saanic kastaa waa waalan yahay

Dadku badanaa ruuxa aadka u maskaxda badan, waxa ay ku arkaan calaamado ama habdhaqanno aan ahayn ka dadka caadiga ah looga bartay oo la yaab ku yara noqda, ugu yaraan waxa ay arkaan in uu yahay ruux duni isaga u gaar ah ku nool, qaarkoodna waxa ay u qaataanba ruux xambaarsan aragtiyo iyo fikirado aanay dadka caadiga ahi maskax ahaan u bislayn fahamkooda. Marka dib loogu noqdo taariikhda dadkii dunida kaga tegey raadadka cilmi ama farsamo ee loo aqoonsanyahay in ay garaad ka dadka caadiga ah ka badan lahaayeen, waxaa lagu arkaa in ay ka hab nololeed duwanaayeen dadka caadiga ah, qaarkoodna ka hab-dhaqan, anshax iyo danayn duwanaayeen. Marka aynu taariikhdaas shakhsiga ah ee dadkaas eegnana waxa aynu arkaynaa in qof caadi ahi aanu noqon karin hal-abuur ama ruux leh aqoon iyo garasho aan loo dhigi karin ta dadka caadiga ahi leeyihiin.

Fikirka dad badani aaminsanyihiin ee ah in maskax badnaanta aan caadiga ahayn iyo garashada dheeraadka ahi ay la nooc noqoto waalli ama lagu tilmaamo waalli, ma’aha fikir dhowr qof ku kooban ama dhowaan soo bax ah. kumannaan sano ayaa uu soo jiray. Culimadii falsafadda ee Giriiggii hore ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee arrintaas hoosta ka xariiqay.

Sida uu dhakhtarka dhimirka iyo caafimaadka nafsiga ah ee Philip Breno ku sheegay buuggiisa ‘Genius and Madness’ faylasuufiintaas hore iyaga ayaaba marar badan isku qiri jiray waallida. Philip oo sida oo kalana ah bare-sare oo ka tirsan jaamacadda Sorbonne ee dalka Faransiiska, oo tusaalaynaya sida ay culimadaasi isugu qiri jirtay waallida, ayaa sheegay in Faylasuufkii weynaa ee Plato uu dadka magaalada Athena ee dalka Giriigga ku waanin jiray in aanay ficilladiisa iyo habdhaqankiisa qaadan oo aanay kaga dayan. Isaga oo u sheegaya in aanay caadi ahayn. Waxaa taas ka sii daran oo uu buuggu sheegayaa in Plato ardaygiisii weynaa ee Aristotle; caalimkii weynaa ee sayniska iyo falsafaddu uu sheegay in in aanu jirinba ruux garashadiisa iyo hal-abuurkiisu sarreeyo oo aan qabin xaalad waalli ah.

Aristotle waxa uu caddeeyey in garashada iyo hal-abuurku ay ka bilawdaan gooni-joognimada iyo bulshada oo laga dhex baxo, ama faquuqnimada waxa loo yaqaanno, haddii aan lagu mashquulin shaqo iyo hal-abuurnimana ay ku dhammaadaan waalli.

Faylasuufkii kale ee Bern oo isna isla arrintan ka hadlaya ayaa yidhi, “Haddii aanu farsamayaqaanno nahay, dhammaantayo waa aanu waalannahay”. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here