Cali Gurey Oo U Hanjabay Shirguddoonka Wakiilada

1
767

Hargaysa(Geeska) -Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa ku hanjabay inaanu xisbiga UDUB teelo u dhigan doonin sidii xilka looga qaadi lahaa xubnaha shirguddoonka oo uu eeddo kala duwan u jeediyay.

Mujaahid Cali-Gurey, kulan qado ah oo uu xisbiga UDUB shalay isugu yimid, wuxuu xubnaha shirguddoonka ku eedeeyay inay sabab u ahaayeen khilaafkii xisbiga UCID ee ay maxkamada sare go’aanka ka gaadhay. Ugu horayn Cali isagoo ka hadlaya xisbiga UDUB, wuxuu yidhi,  “Waxa nalaga filayaa kolay oo cid waliba naga sugaysaa waanu garanaynaa, anagu cag fudayd mal ahin inaanu gaabinana horaan u sheegay oo waxaan moodnay dan, raggii dheereeyay halka ay isla marayaan waad ogtahiin, anagu dhiraan dhirin iyo far iyo suul ayaanu wax ku wadaynaa waanan isu dul qaadanaynaa, illaahay ayaa mahadleh ee meel aad iyo aad u wanaagsan ayaan imika isla soo maraynaa sidii golahii dhexe uu isugu iman lahaa, waxa qudha ee noo hadhsana waxa weeyaan wakhtigii aanu qaban lahayn uun, waxaan ugu baaqayaa inay isu samraan, inay isa sugaan oo isu dul qaataan, waxanan isleeyahay ugu danbaynta xisbi soo cashada kaalintii uu dalkan kaga jiray, arimo badan oo imika muuqda ayaana calaamad u noqon karaaya, hadaanan anagu is gabin, kana baqi mayno ururo yaryar oo imika la furay inagu in aan noqono kaalintayada kuwa laga garbinaayo, waxaan isleenahay waxaad noqnaysaan ka koowaad.”

Cali Guray oo la waydiiyay aragtidiisa ku wajahan go’aanka ay maxkamda Sare ee Somalilnad  ka soo saartay khilaafkii xisbiga UCID, ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamda, balse waxa uu daren cadhol eh ka muujiyay shirgudoonka golaha wakiilada isaga oo arintaas ka hadalayana waxa uu yidhi “Horta go’aanka maxkamadu ay UCID ka soo saartay waxaan u arkaa inuu yahay go’aan wanaagsan oo sharciya oo kii saxa ahaa ah, raga u du’daadaya maxaa loo soo saari waayay go’aan cadaalad daro ah, waxaan idin xasuusinayaa haddii la soo saari lahaa go’aan cadaalad daro ah miinadii loo dhigay Faysal Cali Waraabe waxay la kaci lahayd madaxwayne Axmed Siilaanyo, siday ula kaci lahaydna waxa weeye shirqoolkan cida soo agaasintay waxa weeye shirgudoonka golaha wakiilada ee maaha laba dhinac oo UCID ah  oo is haystay, halka laga soo dhisay waxay ahayd shirgudoonka oo la galay madaxtooyada, shirgudoonku ma fuliyo sharciga, maxkamaduna go’aan cadaalad daro ah way ku dhawaaqi kartaa, yaa fulinayaa weeye, cida fulinaysaa waxa weeye madaxwaynaa iyo xukumaadiisa waxana loogu talo galay in intoo go’aan sharci daro ah la soo saaro oo keeni kara dagaal sokeeye, in la yidhaahdo Axmedow go’aankan waxa uu ka soo baxay maxkamad dee waynu ku qasbanahay in aan fulino waa in meeshii Aadan Waqaf lagu wareejiyo.”

 Isaga oo hadal kiisa sii wata waxa uu yidhi afhayeenku  “ Haddaba waxa layaab leh ragga mu’aamaradaas u dhigay waa kuwa uu qalbiga ku haysto ee aad Airpot-yada aad ka aragtaan isagoo ay ku dhagan yihiin had iyo gooraale isku mar marayee shirguddoonka, waxanan xusuusinayaa waar labadaa aqal waa ay is ilaalinayaan, ma ogalaanayno in shirgudoonka iyo xukumadda la kala garan waayo. Xukumaada inay ilaaliyaan ayaa golaha wakiilada loo sameeyay inay ku milmaan maaha, mida kale xisbiga UCID waa xibi mucaarida maanta ninka guddoomiyaha ka ah golaha gakiiladuna UCID ayuu ka soo baxay, shalay markuu UDUB ahaa muxaafidka labada xisbiba mucaarid bay ahayeen,  maanta ma waxay noqotay ma xisbi qudhaa mucaarida, labana waa muxaafid, ma noqon karayso waana ta shirgudoonka golaha wakiiladu waddo, anaguna teelo u dhigan mayno sidii looga qaadi lahaa meesha ee looga tuuri lahaa nimankan u kala sareeya golaha wakiilada.”

Ugu danbayntii Cali Gurey  oo la su’aalay sida uu u arko iscasiilaada wasiirkii hore e arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabose, wuxuu yidhi, “Gaboose magacaabistiisa horaa khalad ahayd ee laakiin is casilaadiisu sax bay ahayd, waxay khalad ku ahaydna dee ninka madaxwaynaha ahi waxa uu tiimka u qaataa inay xil gudashadiisa isaga ka caawiyaan oo siyaasadiisa ay ku shaqeeyaan. Markaa ninka isagu doonaya inuu madaxwayne noqdaa ee inuu urur furto doonaya haddaad tidhaado kaalay ii noqo wasiir soo maaha in marka ay fursadii timaado inta uu xilka hayayna  tiisuu u shaqaysanayaa, markaa Gaboose waan ku amaanayaa inuu iska casilo xilka.”

 

Comments are closed.