Milicsiga Wargeyska Madaxweyne: Maxaad Ka Keentay Dalka UAE?

55
3894

Safar shan maalmood ah ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, toddobaadkan kaga soo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo uu markii u horaysay ku tagay safar, ka dib markii ay dawladda UAE u soo dirtay martiqaad rasmi ah.

Safarka Madaxweyne Biixi ee dalka UAE oo ku soo beegmay wakhti ay xiisad diblomaasiyadeed ka dhalatay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekedda Berbera, ayaa wuxuu keenay in shacab badan oo reer Somaliland ahi is tusaan in fursad diblomaasiyadeed u soo korodhay Somaliland taas oo abuurtay rajo badan oo ay shacabku ka qabaan in xidhiidhka UAE iyo Somaliland uu ka sii kobco intii hore. Weftiga Madaxweyne Biixi markii ay ka soo laabteen safarkaasna wasiirka biyaha Somaliland Saleban Cali Koore, wuxuu saxaafadda u sheegay in safarkaasi ahaa guul u soo hoyatay Somaliland islamarkaana ay dawladda UAE ka aqbashay Somaliland dhammaan codsiyadii ay u gudbiyeen oo aanu faahfaahin. “Codsi kasta oo dawladaas loo gudbiyayna way naga aqbaleen.” ayuu yidhi Wasiir Koore oo intaas raaciyay.

Waana War wanaagsan hadalka Wasiir Koore, laakiin marka laga tago hadalada faanka ah ee masuuliyiinta xukuumadda, weli lama hayo wax cad oo heshiis ah oo uu soo kordhiyay safarka Madaxweyne Biixi. Inkastoo laga yaabo in xukuumadda Somaliland hoos u dhigayso heshiisyo ay la soo gashay dawladda UAE, xaaladaha diblomaasiyadeed ee jira darteed, haddana shacabka Somaliland waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan haddii ay jiraan heshiisyo cusub oo Imaaraadka Carabta lala soo saxeexday.

Mudane Madaxweyne, waxa weftigaaga ka mid ahaa wasiirka biyaha, waxaanay shacabka Somaliland baahi badan u aqbaan biyo ay helaan. Si gaar ah, wasiirkaaga biyuhu wuxuu dhawaan sheegay inuu fashilmay mashruucii rajada badan laga qabay inuu caasimadda biyo ku filan u keeno ee Xumbo-weyne. Mashruucaas waxa maalgelisay dawladda Imaaraadka Carabta, siyaabaha uu u fashilmay iyo hantidii loogu tallo galay halka ay qabatay su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa. In safarkaaga uu ka mid ahaa wasiirka biyuhu waxa ay dadka reer Hargeysa gelisay rajo, markii uu sheegay in dalab kasta oo aynu gudbinnay la aqbalayna, waxa ay dadku durbadiiba niyadda gashadeen in biyaha oo nolosha ahi ay ugu horreeyaan, haddaba madaxweyne Waxaa muhiim ah inaad shacabka uga waranto inaad madaxda UAE arrintaas kala hadashay iyo jawaabta ay ka bixiyeen.

Inkastoo aad madaxweyne jaaliyadda Somaliland u sheegtay inaad dawladda UAE u gudbisay codsi ah inay aqbalaan Baasaaboorka Somaliland islamarkaana aad sheegtay  inaad rajo weyn ku qabto suurtogalka in Baasaaboorka Somaliland lagu tago dalkaas UAE, haddana inaad dal cusub ku soo kordhiso inuu aqbalay baasaaboorka Somaliland mudada aad xilka hayso waa u muhiim safarkaaga iyo siyaasadaadaba hirgelinta qodobkani. Xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay dalka Imaaraadka ayaa isaguna muhiim ka dhigaya baahida loo qabo in baasaboorka Somaliland uu dalkaasi aqbalo, Sidaas daraadeed madaxweyne shacabku way kaa sugayaan qodobkaasna.

Madaxweyne; waxa ay shacabku ka daaleen safaro badan oo ay madaxdii kaa horaysay dalkaas UAE uga baxeen, kuwaas oo markii ay soo noqdeena ay ku macneeyeen kuwo guul u soo hooyay Somaliland, balse aan la arag wax cusub, waana sababta ay shacab badani safaradaas ugu macnayn jireen dano gaar ah ka dib markii ay ka niyadjabeen. Marka ay sidaas tahayna, si ay shacabku u aaminaan xukuumadaada waa in la arkaa haddiiba ay jiraan wixii midho ah ee ka soo kordhay safarkaagaas oo rajo badan shacabka geliyey.

Madaxweyne, ma jiraan masuuliyiin cusub oo aad kula kulantay dalka UAE, waxaanad la kulantay masuulkii wasiirka iyo raysal-wasaare-xigeenka ahaa ee uu Madaxweyne Siilaanyaba la kulmi jiray iyadoo aanay xiisado diblomaasiyadeed jirin. Markaas waxa uu dareen weyni ka dhashay sababta keentay in dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu ay waftiga Somaliland oo illaa heer madaweyne ahaa ugu qaabishay heer wasiir ahna raysalwasaare ku xigeen, waxa ay dad badani ku rajo weynaayeen in meeqaam kaas ka sarreeya imaaraadku ku qaabili doonaan waftigaaga, gaar ahaan in aad la kulmi doonto, ugu yaraan dhaxalsugaha Maxamed Bin Saayid ama raysalwasaaraha Maktuum Bin Raashid oo weliba shirkadda DP World ay sidato magaca imaaradda uu madaxda ka yahay ee Dubai. Mudane madaxweyne waxa uu dadkaagu marti kaaga yahay in aad u fasirto illaa heerka uu diblumaasi ahaan yahay xidhiidhka innaga dhexeeya Imaaraadka Carabta, iyada oo la og yahay in dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya gaadhsiisanyahay xidhiidhkeenu heer madaxweyne.

Haddaba, Madaxweyne si ay shacabku hoggaamintaada iyo xukuumaddaba ugu kalsoonaadaan waxa muhiim ah inay ogaadaan waxyaabaha uu safarkaagu soo kordhiyay, maadaama oo uu ahaa safar rajo badan abuuray islamarkaana ay wasiiradii iyo masuuliyiinta kale ee kula socday ku tilmaaneen inuu ahaa safar soo hooyay guulo aan hore u soo marin Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here