Milicsiga Wargeyska :- Lafo-gurka Digreetada Madaxweyne Siilaanyo

6
810

 

geeska logo

 

Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu awoodiisa dastuuriga ah ku go’aansaday inuu isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo golihiisa xukuumadda iyo weliba masuuliyiin cusub oo uu u magacaabay xilka qaranka.

Madaxweynuhu digreetadiisa kuma sheegin wax asbaab ah oo uu u cuskaday xil ka qaadista iyo isku shaandhtaynta, waxase uu ku xusay inay ka mid tahay sunaha dawladnimo. Waa yahay Madaxweyne.

Waxase muhiim ah in laga eego dhawr dhinac digreetada Madaxweynaha, kuwaas oo kala ah waxa ay isku shaandhaynta magacaabista iyo xil ka qaadistu qaranka u leedahay—haddii ay tahay wanaag, dhaliil amaba horumar ay ku soo kordhin karto hawl socodka dawladnimo.

Marka si guud loo eego meelo badan ayay saamayn togan oo dhinaca wanaaga ah ka leedahay digreetada Madaxweynuhu. Muddo dheer ayaa la sugayay in Madaxweynuhu ka dhabeeyo go’aankiisan, meelaha uu abaaray ee dhaliishooda la arkayna waxa ka mid ah taliska ciidamada Booliska oo la isla dhex marayay inuu habac ku yimid hawlgaladoodii.  Go’aanka uu xubnaha golaha ugu kordhiyay beelaha gobalka Awdal oo aad u qawadsanaa saami qaybsiga xukuumadiisa ayaa iyaduna ah talaabo wanaagsan oo ay tahay inuu hoggaamiyuhu qaado si ay midnimada ummadu isugu duubnaato. Waxaanu beelaha gobalka Awdal golihii xukuumadda ugu daray laba wasiir oo uu midi yahay wasiirul dawle iyo weliba agaasime guud oo loo dhiibay mid ka mid ah wasaaradaha halbawlaha ah.

 

Waxyaabaha kale ee laga dhadhansan karo digreetada Madaxweynaha waxa ka mid ah inuu qiray in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku wanaagsanaa dhinaca ammaanka iyo nabadgelyada guud ee qaranka, taasna waxa ka markhaati kacaya taliyihiisii guud ee Booliska oo uu Madaxweynuhu hore xilka uga qaaday markii uu talada qabtay oo uu shalay dib ugu soo celiyay hawshii qaranka. Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in taliye Saqadhi aanu ahayn masuulka keliya ee ka tirsanaa dawladii Rayaale ee uu Madaxweynaha xilligani shalay magacaabay. Danjire Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo muddo dheer ahaa safiirka Somaliland ee Addis Ababa xilligii Daahir Rayaale ayaa isna shalay loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta.

 

Meelaha ay digreetadu hayska ka leedahay waxa ka mid ah kordhinta tirada wasaaradaha dalka oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilligii ololihii doorashada balan qaaday inuu yarayn doono. Inkastoo uu horaantii yareeyay  haddana shalay waxa cadaatay inuu ka noqday go’aankaas. Wuxuu dib u soo celiyay laba wasaaradood oo uu hore u baabiiyay kuwaas oo kala ahaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyo wasaaradda dib u dejinta oo uu u magacaabay laba wasiir iyo laba agaasime oo cusub kana soo jaray laba wasaaradood oo uu hore ugu daray.  Kursi wasiirul dawle ayuu isna soo kordhiyay oo ah Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda, iyagoo KULMIYE xilligii ay mucaaradka ahaayeen wasiirul dawlaha ku magacaabi jiray wasiir loogu tallo galay ololaha iyo inuu yahay magac u yaal culays ku haya qaranka. Qodobkani wuxuu muujinayaa in Madaxweynuhu go’aansaday inuu kordhiyo golaha wasiirada, iyadoo aan la hubin inay halkan ku joogsan doonta dib u magacaabista masuuliyiinta xukuumaddii hore.

 

Mid kale ayaa iyaduna u baahan in la dul istaago, taas oo ah inaanu Madaxweynuhu isku shaandhayntiisa ku soo darin wasaaradaha hawlbalaha u ah qaranka oo tan iyo markii la magacaabayba qaar badan oo ka mid ah ay bulshadu aad u dhaliilaysay.  Waxase ay ahayd mar haddii uu go’aansaday inuu galka seefta ka saaro inuu ugu yaraan taabto wasaaradaha ay bulshadu aad u hadal hayso si uu ugu muuqdo nin la socda dareenka bulshada kana jawaabaya rabitaankooda.

 

Si kastaba ha ahaate, isku shaandhayntan iyo xil ka qaadistani waa mid loo baahnaa, laakiin waxa la odhan karaa Madaxweynuhu weli ma abaarin meelihii laga sugayay ee ay bulshadu hadal haysay, waxaana looga fadhiyaa inuu mar kasta ku fooganaado dardargelinta hawlaha qaranka iyo la socoshada tabashada ay dadweynuhu ka qabaan xukuumaddiisa.

Comments are closed.