Milicsiga wargeyska Awr Kala Guurtay Ma Xumee, Uur Kala Guuray Baa Daran

2
1227

Waxa ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii deegaanka iyo wakiilada ee dalka oo qorshaysnaa inay qabsoomaan March sannadka dambe.

Ku dhawaaqista dib u dhaca doorashooyinka, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay istaageen wada shaqayntii xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, ka dib markii la isku af garan waayay wada hadalo socday oo ku saabsan mustaqbalka guddiga doorashooyinka oo ah hay’ada qaranka u qaabilsan arrimaha doorashada.

Wixii intaas ka dambeeyayna waxa eeddo hawada isu mariyay Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye mucaarad Cabdiraxmaan-cirro iyo Faysal Cali Waraabe, taas oo sii adkaysay kala fogaanshihii siyaasadeed ee masuuliyiintan.

Kala fogaanshaha iyo wada shaqayn la’aanta xukuumadda iyo mucaaradku, wuxuu meesha ka saarayaa dantii guud ee qaranka, waxaanu soo dedejinayaa murano siyaasadeed oo baylah ku keeni kara danta guud ee qaranka.

Marka la eego sida aan weli xal rasmi ah loogu helin tafaraaruqa ay doorashadii kal hore kaga tagtay shacabka iyo weliba isbedelada xawaaraha ku socda ee ka jira gobalka Geeska Afrika, ma jirto maalin ay maanta Somaliland uga baahi badantahay in danta guud ee qaranka laga horaysiiyo dan kasta oo shakhsi ama kooxeed. Somaliland waxay maanta u baahantahay aragti midaysan oo siyaasadeed oo lagu waajaho gudaha dalka iyo dibaddaba. Maanta Somaliland uma baahna kala fogaansho dhinaca siyaasadda ah, waxase ay u baahantahay isu soo dhawaansho.

Waxa markaas Madaxweyne Biixi iyo madaxda labada xisbi mucaarad waajib ku ah inay joojiyaan ficiltanka siyaasadeed, meeshana ka saaraan xaaladda mindi-mindi ku taagta ah ee hadda ka muuqata hadaladooda siyaasadeed. Isfahamka siyaasadeed wuxuu keenaa in danta guud ee qaranka laga wada shaqeeyo, halka uu muranka siyaasadeed dhaawac u gaysto dawladnimada iyo danta guud ee qaranka.

Waa inay madaxda siyaasadda ee Somaliland la yimaadaan aragti siyaasadeed oo wax tar u leh Somaliland.  Waa inay hoggaamiyayaasha Somaliland mideeyaan aragtiyahooda siyaasadeed si aragti midaysan loogu waajaho baahiyaha Somaliland.

Ma shacabku ma doonayaan yooyootanka siyaasiyiinta. Waxa ay shacabku doonayaan in madaxda siyaasadda ee Somaliland oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Biixi iyo labada guddoomiye mucaarad ee Faysal iyo Cirro ay la yimaadaan bisayl siyaasadeed, isuna soo dhawaadaan oo ay iyagoo wada jira xal u raadiyaan caqabadadaha dalka soo waajahaya.

Somaliland waxa ay ku soo caano maashay isu tanaasul, wada hadal iyo in la is qanciyo, haddiise maanta madaxda siyaasadda ee dalka laga laga waayo qodobadan, waxa meesha ka baxaysa danta guud ee qaranka.

 Sidaas daraadeed, waxaanu leenahay waxa Madaxweyne Biixi iyo madaxda Waddani iyo UCID waajib ku ah inay soo celiyaan wada shaqayntii, dibna u bilaabaan wada hadaladii u socday  si meesha looga saaro isfaham la’aanta siyaasadeed ee dhexdooda ka taagan oo haddii ay sidan ku socoto keeni karta dhaawac siyaasadeed oo dalka gaadha. Waa in afkaarta siyaasadda ee lagu kala duwanaadaa aanay keenin ficiltan dalka wiiqi kara, lana kala saaraa danta guud iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here