Madaxweyne Biixi Oo Ay Dadka Siyaasadda Xiiseeyaa Ka Sugayaan Isku Shaandhayn Sal Balaadhan

2
1436

Hargeysa(Geeska)-Ilaa Sabtidii toddobaadkii hore oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo laabtay safar uu ku tagay gobalada bari ee dalka, waxa ay dadka siyaasadda xiiseeyaa sugayeen isku shaandhayn la sheegay in Madaxweynuhu ku samaynayo golihiisa xukuumadda.

Isku shaandhaynta oo ay dadka siyaasdda falanqeeyaa aaminsanyihiin inay u badnaan doonto ugu yaraan 5 wasiir oo xilka laga qaado iyo shan kale oo la magacaabo, ayay hadal haynteedi si waafi ah ugu jirtaa suuqyada siyaasadda.

Bulshada ayaa isla dhex maraysa magacyada qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo hay’adaha kale ee xukuumadda Madaxweyne Biixi, oo ay saadaalinayaan inuu xilka ka qaadi doono, laakiin si rasmi ah weli looma hayo wax cadayn ah oo muujinaysa in Madaxweynuhu samayn doono isku shaandhayn cusub oo miisaan leh. Waxase ay dadkan siyaasadda falanqeeyaa saadaashooda isku shaandhaynta ku xidhiidhinayaan Madaxweyne Biixi oo uu sannad ugu buuxsamay kursiga oo loo caleemo saaray 13 December 2017.

Waxa ay bulshadu saadaalinaysaa in Madaxweyne Biixi xukuumadiisa ku soo dari doono  rag iyo haween leh miisaan siyaasadeed oo Madaxweynaha ka caawin kara xaaladaha siyaasadda gudaha iyo dibadda ee iyo  isbedelada ku soo kordhay gobalka Geeska Afrika.

Dad badan ayaa golaha wasiirada ee Madaxweyne Biixi ku dhaliila inaanay lahayn miisaan iyo karti siyaasadeed oo ay ku waajahanaan kala qaybsanaanta ay doorashadii kal hore kaga tagtay shacabka iyo weliba sidoo kale inaanay fahan badan ka haysan isbedelada siyaasadeed ee ku cusub gobalka Geeska Afrika oo dabcan Somaliland ku yeelanaya saamayn siyaasadeed iyo dhaqaale.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Biixi oo sannadkii uu xilka hayay ay adkaatay in la helo xogaha la xidhiidha dhismaha xukuumadiisa, ayaan la garan Karin wakhtiga rasmiga ah ee uu soo saarayo isku shaandhaynta ay shacabku indhaha ku wada hayaan. Laakiin shacabka ayaa sugaya maalin ay noqotaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here