Intaad safriika ahayd wax talo ah oo aad u soo gudbisay Maxamed Siyaad oo uu aqbalay ma jireen?
Laba arimood ayaa xasuus weyn leh,mida koowaad waxa weeye dawlada Hindiya markii aan aad xidhiidh wanaagsan uga sameeyay, oo aan sare u qaaday xidhiidhkii waxay goosatay inay dalka Somaliya todaba mashruuc oo warshaado ay ku jiraan ay ka hirgaliso lacagtana inay baxinayaan bangi ajanabi iyo mid ay iyagu leeyahiin ayay sheegtay,Somaliyana sarfaybaa lagu soo sameeyay oo wafti ayaa loo soo diray,todabadii mashruucba Maxamed Siyaad Bare waa uu siidaday in la hir galiyo oo waa uu hor istaagay.
Waayo ma adiguu kaa war waraayay?
Markii uu imagacaabayay waxa uu igu yidhi Hindiya danbaynu kaleenahay,waxaan ku idhi waar cariuurtayda ayaa dibada jirta ee meesha ay joogto miyaad ii dhawaysid,markaasu yidhi Hindiya ayaynu dan ka leenahay oo horumarkooda ayaynu rabnaa in aynu ka faa’idaysano,markii aan arinta ka soo shaqeeyayna cagtuu ku dhuftay,markaas taasi may hirgalin,dawlada Hindiyana way ka gaabsatay markii danbe markay aragtay in wada shaqayntii aanay ka socon xagaas.
Mida kale ee aan talada xooga ah ka baxshay waxay ahayd markii uu waqooyi dagaalku ka dhacay ee jabhada SNM ay qabsatay Hargeysa iyo Burco,Jikulaar dheer ayuu soo diray oo uu u qaybshay dhamaan safaaradaha, oo uu leeyahay budhcad ayaa qabsatay Hargeysa iyo Burco iyo meelo kale khasaare badan oo xoog ah oo dad iyo duunyba leh ayay u gaysatay,shirar sameeya oo dawladahaas aad joogtaana u wargaliya budhacadaas,waxaana noo nuuqta dalal gacan siinaya inay jiraan oo hubka siiyay nimankaas budhcada ah,waan fakaray markii aan jakulaarkaas helay waxaan waydiiyay 52 su’aalood oo aan ugu talo galay bal intii aanad arintan ku dhaqaaqin maadaama oo aan ogaa in jabhada SNM ay jirto oo ay is abaabushay oo aan xogagaal u ahaa ilaa iyo aasaaskeedii, hadana qoraalka kumay oolin inuu leeyahay SNM ayaa sidaa yeeshay ee waxa uu lahaa bucadbaa sidaas yeeshaye talaabooyinkaas qaada oo war galiya aduunyada.
Markaas 52 su’aalood ayaan waydiiyay waxaan idhi intaanan hawshaas ku dhaqaaqin dalkan Hindiya waa dal dimuqraadiya,madaxweynayaasha iyo raysal wasaarayaasha iyo jornaaladu maalin kasta waxbay ka sheegaan, markaas meeshaas waxa ka dhacay si aan warbixin u siiyo qodabadaas halayga soo jawaabo. nimanka budhcada ah yay yahiin,yaa hubka siiya,xageebay qabsadeen,khasaaraha ay gaysteen waa imisa,ma ogoshahiin niman jornaalistayaal ah ayaa iwaydiistay inay Somaliya yimaadaane inay u tagaan, ma ogashiin in laydin dhex dhexaadsho,waxaas oo dhan ayaan taxay waligayna laygama jawaabin.
USC bilawgeedii iyo taariikhdeedii iniba si bay u turjuntaa,qolo waxay tidhaahdaa USC ma jirteen La’aantii,qolona waxay tidhaahdaa markii USC samaysantay ayuu soo dhexgalay oo waliba waxa uu damcay in USC-dii shicibka ubadnayd uu afduubo,guusha iyo waxii ka yimi waynu ku danbaynaynaaye arintaas iiga waran?
Dadku iyaga oo la socda nidaamkiina dhex yaalay aniga iyo ninkii odayga ahaa ee dalka hogaamin jiray,xogogoolna loo ahaa dhibaatada uu dalka ku hayay,markii halkaas lay fogeeyay shacbiga waxaan ka helay fariimo badan inaan halgan soo galo oo aan aasaaso urur xaq ku dirir ah oo halgama suurta galiyana in rajiimkan xukunka laga rido,iyada oo fariimahaas faraha badan ay jireen,lana socday jabhadii hore u halgamay ee SSDF mida SNM.
Waxa jiray dareen ah in la aasaaso urur cusub,ururkii cusbaa waa la aasaasay aniguna buug ayaan sameeyay oo waxaan doonayay urur Soomaalinimo ku salaysan oo aan qabiil qabiil ku salaysnayan inuu dhismaa,buugii markii aan ku qoray halkankii dastuurkii ee aan dhameeyay nidaamka siyaasadeed ee jabhadii ay ku halgamaysay aan dhameeyay. Markaas ururadii hore u soo halgamaayay sida SSDF,SNM iyo SPM oo markaas magaceedu soo baxay inaan ururadaas madaxdooda iyo taageerayaashooda intaan wargeliyo aan yidhaahdo waar nidaamka buugan aan qaadano,magacana aan qaadano NUSDO,waxaan u bandhigay markaan qaybiyay buugii oo qaaradaha kala jira aan u qaybiyay.
Qolyaha USC aasaasi doonto oo aan qaarkood aqaanay ayaan buugii u diray,way akhristeen iyaga oo aan, runtii ila tashan ayaan maalintii danbe intay Rooma isugu tageen waxay la soo boodeen magacan USC,markii aan warsaday ee aan telfoon kula hadlayna waxay iigu jawaabeen laysma sugi karin waxaan samaynay gudi fulin oo shan qof ka kooban iyo 11 qaaradaha ah, dadka meesha ka soo qaybgalaya ilaa sideetan qof ayay ahaayeen,markaas dastuur iyo barnaamij siyaasadeed may samayn,magacii ayuunbay ku dhawaaqeen oo la soo boodeen,dadkii markaan arkay meesha madaxda ka noqday waan yaabay waxaan rabay in ururka la samaynayaa inuu ku dhisnaado magaca Soomaalinimo.
Waxaan markaas goostay mar hadii ururkii lagu dhawaaqay in aan ka dhaadhiciyo qolada aasaastay magacan USC iyo ururada kale ee jira in laysku geeyo, waxaan markaas qoray buug ka kooban sideetan bog oo ah buugii aan isticmaalnay markii aan isku keenay, USC-da danbe,SPM iyo SNM oo aanu dalad sagaashankii samaynay,buugaas markaas ururada ayaan siiyay, SNM ayaan markii ugu horaysayba u diray markaas SNM way aqbashay in gudi la magacaabo oo arintaas darso ayay soo jeeddiyeen,ha yeeshee gudidii waxa hor istaagay qoladii USC hogaaminysay markii hore,markii USC dhaqaaqi wayday SPM-na Axmed Cumar Jees uu dagaalkii ka bilaabay gobalada koonfureed, ayaan anigu xidhiidh la soo yeeshay dawlada Itoobiya ee markaas jirtay iyo ragii SSDF ka tirsanaan jiray oo markii danbe SNM noqoday,hadana USC u soo wareegay,SNM ayaan la xidhiidhay oo waxan idhi niman yahaw waxa loo baahan yahay in laysku tago oo ururada la mideeyo,waxaanay yidhaahdeen arintaas raalibaan ka nahay balse aanu ka wada tashano.
Comments are closed.