Maxamed Kaahin Oo Si Kulul U Weeraray Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

0
444

Picture6Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee la filaayey in ay qabsoomaan sanadkan badhtankiisa ku eedeeyey in uu ka mas’uul yahay guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaana uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu qoraalkii xeerka doorashada lagu galaayey u gudbiyey bishii August ee 2013kii, halka uu guddoomiye Ciro uu madaxweynaha xeerka doorashada u soo gudbiyey ayaa uu yidhi December 2013kii,

Muj.Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlaayey madal xisbiga Kulmiye uu kula hadlaayey taageerayaal aad u tira badan oo ku soo dhaweeyey magaalada Barbera ee gobalka Saaxil.  Waxaana uu sida oo kale uu ku eedeeyey guddoomiye Ciro in uu ku fadhiyo xeerkii doorashada ee lagu gali lahaa doorashada baarlamaanka Somaliland ee soo socoto.

"Waxaa aynu ognahay 26ka Juun, waxaa dhamaanaya mudadii mudadii Shanta sanno ahayd ee doorashada dalka oo maanta lagu dooranayo madaxweynaha iyo waliba baarlamaanka qaranka. Waxaa aynu ognahay in Komishanka doorashooyinka qaranku uu yidhi doorashadaasi xiligeedii qabsoomi mayso, waxaa aynu ognahay in xisbiyada mucaaradka ahi ay sheegeen in 26ka Juun uu dalka ka dhacaayo dagaal, in aanay waxba iskaga keen hadhayn 26ka Juun ayey sheegeen, waxaan idiin sheegaynaa doorashadii dawladii Axmed Maxamed Siilaanyo ka horeysay saddex jeer ayaa la kordhiyey doorashada, saddexda jeer dawladii xilka haysay ayaa doorashada wakhtigeedii qaban wayday, waxaan idiin sheegayaa doorashadu marna waxaa ay ku qabsoomi waydaa madaxweynaha iyo xisbigiisa oo sagsaaga marna waxay ku qabsoomi waydaa duruufo dabiici ah oo dhaca oo inagu aynaan mas'uul ka ahayn.”Ayuu yidhi Muj.Maxamed Kaahin Axmed.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi: “Annagu xisbiga Kulmiye waxaan idiin sheegaynaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee aad doorateen ee xisbiga Kulmiye ka soo baxay ee aanu imika annagu halkan guddoomiyahii xisbiga, guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga, xoghayahii guud ee xisbiga, aniga oo guddoomiye ku xigeenka koobaad ah iyo inta madaxweynaha wakiilka ka ahi waa intayada iyo ku xigeenada maqan, qoraalkii doorashada lagu diyaarinaayey xisbiga Kulmiye madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa uu saxeexay 13.November.2013kii, waxaan maanta halkan idiin ka cadaynayaa, qoraalada waan idiin ka tagaynaa, xafiiska gobalka ee xisbiga ayaan u dhiibaynaa, sir maaha waala idin siinayaa, doorashada waxaa dib u riday guddoomiyaha golaha wakiilada, sharcigii doorashada lagu gali lahaa madaxweynahu Oguest ayaa uu gudbiyey isaguna madaxweynaha December ayaa uu ku soo celiyey, waa imisa waa Oguest, September, October, November iyo December. Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in ay isa saaran yihiin doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha xisbiga Waddani ee annaga iyo madaxweynaha eedaynaya, waxaan idiin sheegayaa doorashadii baarlamaanka lagu geli lahaa illaa iyo imika isaga ayaa ku fadhiya sharcigeedii, sharciga doorashada madaxweyne Siilaanyo ma sameeyo, xisbiyaduna ma sameeyaan ee baarlamaanka ayaa sameeya.”.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin, waxaa uuu sida oo kale sheegay in ay ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacday ay diyaar u yihiin wakhti kasta, waxaana carabka ku dhuftay in kaliya ay ka dhursugayaan wakhtiga ay Komisanka doorashooyinka ku dhawaaqaan qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka.

“Waxaa aan halkan ku soo ururinayaa hadaynu nahay xisbiga Kulmiye doorashada qabashadeeda Komishanka doorashooyinka ayaa iska leh, xiliga ay qabtaan ayaa aanu diyaar u nahay, haddii ay saadambe iyo saakuum ay qabanayaanba diyaar ayaa aanu u nahay, innagu waxaa aynu doonaynaa doorasho xor ah oo xalaala oo nabad galyo ku dhacda.".Ayuu yidhi Muj.Maxamed Kaahin.

Ugu danbaynii Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu ka hadlay waxyaabaha ay xisbiyadada mucaaradka ah ee Waddan iyo Ucid iyo xisbiga muxaafadka ee Kulmiye ay ku kala duwan yihiin.

"Annaga iyo labada xisbi mucaarad waxaa aanu is dheer nahay, labada xisbi mucaarad iyo xisbiga Kulmiye waxa aay is dheer yihiin sida xamar ha qiiqdo ayey iyagu leeyihiin, annaguna waxaan leenahay yaanay qiiqinee nabad galyadeena aan illaashano.".Ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.