Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta Iyo IGAD Oo Noqday Ururada Aan Ilaa Hadda Ka Hadal Doorashadii Somaliland

31
2530

Hargeysa(Geeska)-Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD ayaa noqday ururada aan ilaa hadda ka hadal doorashadii Somaliland ee qabsoontay 13 November, taas oo ku dhammaatay jawi nabadgelyo.

Inta badan ururada iyo dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka iyo wada shaqaynta la leh Somaliland ayaa shacabka Somaliland ku bogaadiyay jawiga nabadeed ee ay ku codeeyeen iyo weliba horumarka ay ka gaadheen inay hoggaamiyayashooda ku doortaan doorasho xor iyo xalaal ah. Ururada caalamiga ah ee shacabka iyo madaxweynaha la doortay bogaadinta u soo diray waxa ka mid ah Midowga Yurub iyo Qarmaada Midoobay kuwaas oo soo saaray warsaxaafadeedyo. Hase yeeshee waxa shacabka Somaliland yaab ku noqotay aamusnaanta ilaa hadda ee Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD oo marka loo eego Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay uga dhow Somaliland gobal ahaan iyo qaarad ahaanba.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aamusnaanta ururadan saddexda ah oo ah kuwa ugu dhow Somaliland ay muujinayso xiiso aanay u qabin doorashada Somaliland iyo dalal badan oo ka mid ah horboodayaasha ururadan oo aan hoggaamiyayaashooda shacabku si xor ah u dooran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here