Madaxda Sare Ee Xisbiga WADDANI Oo Aan Ka Qayb Geli Doonin Munaasibadda Caleemo-Saarka Iyo Dhaarinta Madaxweynaha La Doortay

22
2422

Hargeysa(Geeska)-Madaxda xisbiga Waddani ayaa la filayaa inaanay ka qayb geli doonin munaasibadda Arbacada beri lagu caleemo saarayo madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

Inkatoo aanu xisbiga Waddani war rasmi ah ka soo saarin ka qayb galid la’aanta munaasibaddan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijinaya inaanay madaxda sare ee xisbiga Waddani ka qayb geli doonin munaasibadaas uu xilka qaranka Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda kula wareegayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Guddiga qaban qaabada xafladda xil wareejinta ayaa kaadhadh martiqaad ah u diyaariyay labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID. Murashixii madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) ayaa safar ugu maqan dalka Kenya, sidoo kalena madaxda kale ee xisbiga ee dalka ku sugan ayaan iyaguna ka qayb geli doonin munasibadan. Laakiin murashixii xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka ayaa la filayaa inuu isagu ka qayb galo munaasibadaas.

Maaha qodob sharci ah in xisbiyada doorashada lagaga adkaado iyo murashixiintoodu ka qayb galaan munaasibadda dhaarta iyo xil wareejinta ee madaxweynaha la doortay haddii aanay markaas ahayn madaxweyne talada hayay oo wareejinaya. Laakiin ka qayb galka munaasibadan ee xisbiyada mucaaradku waxay qurxinaysaa munaasibadda waxaanay tilmaan ka bixinaysaa qaabka ay doorashadu u qabsoontay.

Talaabadan uu xisbiga Waddani qaaday ee uu kaga baaqsanayo inuu ka qayb galo munaasibadda xil wareejinta ayaa waxay u muuqataa inay la nooc tahay talaabo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku diiday inuu kaga qayb galo munaasibadii Madaxweyne Rayaale loogu dhaariyay madaxweynaha Somaliland bishii May ee 2003, ka dib markii uu madaxweyne Rayaale kaga adkaaday  Axmed-siilaanyo doorashadii madaxtooyada ee 2003 qabsoontay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here