Midnimadii Horseedaysay Guusha KULMIYE Ee Mustaqbalka

0
592

Picture3Xaqiijinta Guul ay Kooxi gaadho waxa horseed iyo bud-dhig u ah waxyaalo badan oo ay midnimada kow ka tahay. Haddaba, waxa aan qoraalkan kooban doonayaa in aan laba arrimood ku iftiimo.

Waa ta hore e, midnimada maanta ay muujiyeen Xisbiga Kulmiye waxay seeska u sii adkaynaysaa hiigsiga guul uu Xisbigu ka gaadho doorashada soo socota. Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa dhammaan shakhsiyaadkii arrintaa ka shaqeeyay, Illaahayna ku guuleeyay.  Waa ta labaad e, marka arrin la isku qabto waxa qurux badan in la isqanciyo, iyada oo daraf kasta loo tilmaamayo meelaha uu ku saxsan yahay ama meelaha uu ku khaldan yahay. Ta ugu muhiim sani ee qof shakhsiyadiisa iyo karaamadiisa inuu garto halka maslaxadu ku jirto. Haddaba, maadaama oo wadanku doorasho galayo, waxa aan hubaa in doorashadaas uu mar labaad ku guuleysan doono Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Taas waxa caddayn u ah waxqabadka uu sameeyay mudadii uu xilka hayay, kuna kasbaday kalsoonida umaddiisa.   Waxa kale oo guushaas Madaxweynaha caddaynaysa inuu yahay hogaamiye taariikh marna aan la ilaaweyn ku leh Somaliland iyo waliba isaga oo leh hogaamin wadareed ka madhan qabyaalad.

 

Dhinaca guddoomiyaha Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi waa nin hogaamiye ah oo maanta looga fadhiyo hawlo badan oo fure u noqonaysa guul uu xisbigu ka gaadho doorashada soo socota, taas oo musharax uu ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.  Guntii iyo Gabogabadii, midnimadu waa furaha guusha.

 

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan,

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda ee Somaliland