Mid Ka Mid Ah Ergadii Somaliland Ee Turkiga Oo Ka Hadlay Natiijadii Shirka

3
650

hadalHargeysa(Geeska)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida  Siciid Jaamac Cali oo ka mid ahaa gudidii wada hadalada Somaliland ay la yeelanaysay Somaliya, ayaa sheegay qodabkan ah in hawada dhulkii laysku odhan jiray Somaliya  laga maamulo Somaliland ay tahay mid uun dhaanta wax la’aan balse ay isku mari-waayeen gudidii Somaliya  matalaysay qodabadii muhiimka ahaa.

Sida oo kale gudoomiye Siciid Jaamac Cali waxa uu sharci daro iyo waxaan jirin ku tilmaamay Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaan ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah muumulka madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxa uu sidan ka sheegay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guuritda ahna ku simaha gudoomiyahu mar uu shalay war baxi siinaayay gudida joogtada ah ee golaha guurtida, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya qodabka ay duulimaadyada hawada kaga heshiiyeen Somaliland iyo Somaliya uu yidhi “ Qaramada midoobay markii ay Somaliya hawada gacanteeda ku soo celisay,arinkaas xukuumadeenu waa ay ka hadashay ilaa ay inala gaadhay heer ay diyaaradii qaramda midoobay ee iman jiray halkan aynu ka mamnuucnay inay soo fadhiistaan madaaradeena ilaa inta ay qadiyadaas wax ka qabanayaan, waxaanay ahayd in aanay hawadeena xukumi karin Somaliya.markaas qodabkan mid ajandayaashii aanu nagu wadanay ka mid ah ayuu ahaa,   markaas markii aanu qodabadii kale isku mari kari waynay ,qodabaduna waa ay noo kala cuslaayeen oo kani muhiim nooma uu ahayn,qodabo kale oo noo muhiim ahaa yaa jiray, waxa jirta maah maah tidhaada wax uun baa wax la’aan dhaanta,kuwii lama huraanka ahaa markii aanu isku mari waynay  qodabkanba muhiima ayuu noqday oo waxa uu la xidhiidhaa madaxba naanideena,qodabkaasna waxaanu ku guulaysanay haday ka soo noqtay qaramada midobay inay gacanta u soo gasho Somaliland. Oo hawadii Somaliya oo dhan laga maamulo Somaliland,maahan in aynu fadaraal qaadnay hadalo badan ayaanu maqlaynaye  oo waxa gacanta ku haynaaya gudi farsamo.”

Gudoomiye Siciid Jaamac waxa uu si adag ugu hor yimi isla markaasna uu sharci daro ku tilmaamay Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ah,waxaanu yidhi isaga oo arimhaas ka hadlaayay “ Qolayhan hawlaha wad wada ee isku magacaabay golaha badbaadada  meeshu (Somaliland) sharci ayay leedahay oo dastuur ayaynu leenahay Golayaasha,gudiyada iyo haayadaha dalka ka jira dastuurka ayay ku yaalaan,dalku gola’ayaal ayuu leeyahay golayaashuna dastuurka ayay ku yaalaan gole aan jirin cidii isku tilmaamtaa waa sharci daro,waan ku xad gudub lagu xad gudbaayo shruucda iyo dastuurka dalka.”

Comments are closed.