Laba Wasiir Oo Si Adag Uga Jawaabay Dhawaaq Colaadeed Oo Ka Soo Yeedhay Muqdisho

1
525

waraHargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa si cadho leh uga hadashay hadal warbaahinta lagu baahiyey oo ka soo yeedhay Sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegay inay calanka Soomaaliya xoog kaga taagayaan inta u dhaxaysa Raaskaanbooni ilaa Saylac.

Sarkaalkan oo Magaciisu yahay Caanood, isla-markaana lagu baahiyey Tele fiishanka ku hadla afka dawladda Soomaaliya loo dhisay, ayuu ku yidhi isaga oo la hadlaya ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya “Waa inaanu gobollada Soomaaliya xoreyno oo cadowga la jabiyo, calanka Soomaaliyana wada gaadho dhamaan gobollada Soomaaliya,  waana Waajibaadka xooga dalka Soomaaliyeed in dawladnimada laga hirgaliyo inta u dhaxaysa Raaskaanbooni ilaa Saylac”

Haseyeeshee, Wasiirada Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Kaluumaysiga Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa si adag uga hadlay hadalkaasi, waxayna ku tilmaameen mid afka baarkiisa ah.

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo shalay la hadlay Hadhwanaagnews.com, ayaa isaga oo hadalkaasi ka jawaabaya yidhi “Hadalkaasi waa hadal la iska yidhi, maaha hadal xikmad ku dhisan, Soomaaliyana ma soo weerari karto Somaliland, Somaliland waa dal madax-banaan oo amaankiisana haysta, iyagaa Beebeeyo midowga Afrika leeyahay Muqdisho lagu dhex wadaa, markaa waa weeraraynaa waa hadal cidlo ku dhacay”

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isaguna ka hadlayay Magaalada Bebera oo uu kormeer ku tagay, ayaa yidhi “Waxay Janaraalada ciidamada Soomaaliya ka hadleen Telefiishanada, iyagga oo shacabka iyo ciidamadoodaba u sheegaya in calankii buluuga ahaa ee aynu dhibta badan ka soo marnay inay Somaliland dib uga taagayaan”

Wasiir Waran-cadde waxa kale oo uu sheegay “Janaraal Caanood, isagoo afka dawladda Soomaaliya ku hadlaya wuxuu caddeeyay in lagu amray ama ay u socdaan inay mar kale Somaliand ka taagaan calankii aynu ka nimid ee aynu halaaga la soo marnay, waxaana imika ciidamo badan lagu tababarayaa Jaziira”ayuu yidhi.

Comments are closed.