Meherrada Ugu Yaabka Badan Ee Dunida Ka Dhacay Muddooyinkii U Dambeeyey (Q:1aad)

0
668

Hargeysa (Geeska)- Mar kasta oo ay dunida sii casriyowdo waxaa ku soo badanaya dhacdooyinka ku lammaan isbeddelkaas nololeed ee marka ugu horreysa qofka maskaxdiisa ku noqonaya u qaadanwaaga, Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan uu soo turjumay ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah meherrada ugu yaabka badan ee dunida ka dhacay muddooyinkii u dambeeyey:

1. Waxa aan inantayda kuugu guurinayaa meher ah in aad Hal Milyan oo jeer Nebiga (SCW) ku sallido: Nin u dhashay dalka Urdun ayaa dalbaday in meherka inantiisu uu noqdo ‘Hal Milyan oo jeer oo Salliga Nebi Muxammed ah” Sida dhaqanka Carabtu yahay aabaha ayaa inantiisa meherka u jaangooya, qaddin ayaana sida caadiga ah lagu kala qaataa. Odaygan oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in qiimaha meherku aanu macnihiisu ahayn in uu yahay qiimihii inanta. Ujeedada uu meherkan ka leeyahayna uu yahay in uu waalidiinta hablaha dhalay kula dardaarmay in ay guurka fududeeyaan, si dhalinyarada aan awoodin ay ugu dhiirradaan.

2. Meher ah Hal Milyan oo ‘Like’ in facebook inanta aabaheed leeyahay la saaro: Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Yemen ayaa ay la yaab ku noqotay markii gabadh uu calmaday meherkeedii uu aabaheed ka dhigay in bog uu ku leeyahay bar kulanka bulshada ee Facebook 1 Milyan oo jeer la gujiyo ‘Like’ oo macnaheedu yahay in uu qofku ka helay boggan.

Bilowgii hore dad badan ayaa moodayey in meherkani aad u hawlyar yahay, laakiin waa marka aanay fahmin in Facebook uu qofka u ogol yahay Hal Like oo keliya, sidaa awgeed wiilkan laga rabo in uu soo helo Hal Milyan oo qof oo dhammaantood gujiyo Like, bogga uu odaygu ku leeyahay Facebook.

Wiilkii waxa uu bilaabay in uu raadiyo dadkan, muddo 10 bilood ah ayaa hadda ka soo wareegtay intii laga sugayey 1 Milyan oo like si inanta loogu guuriyo, nasiibdarro se waxa uu illaa hadda helay 130 kun oo Like. Warka wanaagsanina waa in aakhirkii uu aabahani u soo dabcay wiilka inantiisa calmaday, una sheegay in tiradaas uu keenay uu haatan ka aqbalayo inantana sidaas ugu guurinayo. La soco…