Maynu Daawanaa, Maynu Dawaynaa, mise waynu ugu dareernaa?

0
568

Picture1Ka sakow wax qabadka ay xukumada tallada dalka haysaa ku faanto markasta waxaa marag madoon ah in lagu xusi doono laguna xauusan doono qabyaalad qaawan, kala ququbka dalka iyo dadka, musuq-maasuq baahsan, eex, qaraabo kiilnimo, naasnuujinta shaqsiyaad gaar ah oo hantida qaranka ka dhaxeysay loo sameeyo, cadaalad darro iyo waliba sidoo kale maamul xumo iyo maareyn la,aan masuuliyadii loo igmaday ee laguna aaminey.

Way jiraan dad badan oo damiirkoodu noolyahay dalkoodana jecel balse markay wax iftiimiyaan ama faaleeyaan loo arkayo kuwo deegaan nololeedka lagu jiro ka baxsan lana jaan qaadeyn siday wax u socdaan waxaanay marar badan kaliftay dadkii cilmiga iyo caqliga u saaxiibka ahaa ee waxna toosin lahaa tilmaam toganna bixin lahaa afka xidhaan

Waxaan isha la beegasaday oo aan barta ay bulshadu ku kulanto ee facebooka ku arkay maqaal ciwaankisu yahay

(Shacbi Nacas Ahi Wuxu Dhalaa Dawlad Yey Ah
Astaamaha Xukuumadaha Saaqiday)

Oo ay qortey wallaashay naciima cabdi galixe

Haddaba dad badan oo aqoonyahanka dalka ah markaad ku kulaantaan goobaha ay bulshadu isugu timaado waxay badhkood kula boobayaan su,aalo dhowr ah ayna kamid yihiin. Waxaad moodaa in dib loo socda oo halbeegii qabyaaladu cirka gaadhay sababtana ciday doontaaba ha la haato waxaanu aad ugu niyad jabsanahay siday wax u socdaan xukumada oo masuuliyada ugu weyn ee dalka haysay iyada ayaa abuureysa wixii ay aheyd iney aasto oo qabyaalada ah, mucaaradka laftirkisana waanu dhaliisanahay waxanu sidoo kale aragnaa in lagu hungoobay goolayaashii deeganka ee loo doortey ka shaqeynta ilaha adeega bulshada gaar ahaan waxyabaha aasaasiga u ah nolosha haddaba niyow side ayaa ugu haboon oo wax loo sixi karaa? Ku darsoo dadka su,aalahaa ku weydiinaya haddii aad ugu jawaab celiso adigu kamid noqo kuwa wax saxaya waxay jawaab kooban kugu odhanayaan ma rabno siyaasada iyo dhex galkeeda waayo wax la galo maaha waxaa laga dhaxlaa magac xumo iyo maal xaaran ah. Haddana dhaliishi way la joogaan oo iyagiibaa xalaaleynaya wixii ay xukumadda ama xisbiyada ka xaaraantinimeynayeen oo aheyd in magaca ummada la ilaaliyo maalkoodana meesha ay ku haboon tahay loo galiyo.

Garo markay sidaa kugu jawaabayaan way ciilan yihiin haddana ma cabirikaan rabitaankooda qalbiyeed ee ku jira waayo wuxu wax ka diidayaa waa carabka balse ruuxda ku jirta ayaa kula hadlaysa oo aad ka dha dhasan kartaa wuxu doonayo.

Waxaa xusid mudan dadkaa badhkood waxay leeyihiin mawhibo suugaaneed oo ay isku soo dhaafiyaan waxa culan qalbigooda kadibna gabay ama geeraar ayey ku cabiiran wixii ciilka ku hayey wayna nafisaan sidoo kale kuwo iyaga kamid ahi waxay miciin bidaan qalinka iyo qoraalka oo waxay dadka ka hagaan saxaafada laakin haddana si siday wax u rabaan looma helo markaad u dhug yeelato qawlkooda suugaaneed iyo qoraalkooda qalinba waa qaban dhacyooneysaa waanad qiirooneysaa wallow aaney si toos ah ugu tagin fariintoodu ciday la rabaan oo ah madaxda markaas ku hirdameysa maamulka dalka muxaafid iyo mucaaridba.

Way jecel yihin iney la kulman madaxda oo ay saxaan haddana waxaa ku gudboon deegaan nololeedkooad dadka kula nool oo isla markaaba ku shaanbadeynaya iney xisbi ama xukumad galeen!

Si aan haddaba iyaga iyo inta la aragtida ahba ee aanan wakhtiga isku helin u wada helno su,aashaa jawaabteeda ayaan u calmaday ciwaanka maqaalkeygan kooban Maynu daawanaa, maynu daweynaa mise waynu uga dareernaa?

Si kooban haddii aynu u dul istaagno mashaakilaadka inagu xeeran  waxa marag madoon ah iney jiraan dhaliilo badan oo dhankastaba leh laakin masuuliyadeeda ugu weyn ay korka ku qaadaneyso xukumada hadba tallada umada haysaa waayo waxay masuul ka tahay xuquuq badan oo asaasi ah oo distoorku u damaanaq qaaday muwaadinkasta oo reer somalilanad ah sida uu dhigay qodobka 37aad ee distoorku oo leh:

Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

Waa qodobka 37aad ee distoorka jamhuriyada Somaliland

Waxaa hubinta ah in xukumad kasta oo tallada wadanka qabataa ay ku qasban tahay ilaalinta masiirka shacabka iyo dhowrida karaamadooda eebe ugu galaday. Sidoo kale u cadaalad sameynta muwaadiniinta, shaqo abuurkooda, caafimaad bilaash ah, waxbarasho bilaash ah sameynta kaabayaasha dhaqaalaha wadanka, xoojinta xidhiidhka dibada iyo gudaha iwm.

Dhibaatayoonku way badan yihiin daaweyntooduna maaha mid meel kale laga raadinayo ee waa mid ku dhex jirta gudaheena, daawan kari mayno siday wax u socdaan oo saxitaankeeda inaga ayaa la inooga fadhiyaa xukumad iyo xisbiba. ugana dareerimayno markaan leeyahay dareeridu maaha mid dalka laga baxayo ee waa mid looga baxayo saaxada siyaasada Somaliland ee waynu la galeynaa wax bandanna waynu saxaynaa inta taagteen iyo tamarteenba ina dhigto haddaba su,aasha ayaa ah sidee ayaa loo saxayaa waxaas oo dhan?

Jawaabteedana waxaynu ku qaadaa dhigi maqaaladeena danbe insha Allahu la soco qeybaha danbe……………

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun

Hargeisa Somaliland

Email: Barkhad909@live.com