Madax-Dhaqameed Ka Tirsan Beelaha Gabooye Ee Burco Oo Cabasho Ka Muujiyay Dawladda Hoose

0
530

 

Picture1Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah beelaha la hayb-sooco ee Gabooye ee gobolka Togdheer ayaa cabasho ka soo saaray Meherad ay la haayeen dad dan-yar ahi oo ay Dawladda Hoose ee Burco Burburisay isla markaana ay gar iyo garawshiiyo-toona marin wayday.

 Cabashadan oo ay warbaahinta  uga warameen  qaar ka mid ah Cuqaasha  beeshani iyo Mulkilihii la haa Meheradani Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Burco ayaa ugu baaqay Hay’adaha Xuquuqu Insaanka iyo Umadda kale ee reer Somaliland in ay wax ka qabtaan ,tacadiyadaa ay sheegeen in ay Dawladda Hoose ee Burco u gaysatay ,taasi oo saameyn xoogan oo nololeed ku yeelatay Qoysaskii Meheradan nolol-maalmeedkooda ka heli-jiray . “ Waxaanu ka cabanaynaa oo aanu umadda reer Somaliland u bandhigaynaa Meherad Rayiis ah oo ay Dawladda Hoose ee Burco xiligii kala wareega golahii hore iyo golahan  cusub ay naga burburisay meheradii iyo agabkii yaalayba ,taasi oo uu Xog-hayaha Dawladda Hoose inta uu Cagaf ka xaystay uu gacantiisa ku burburiyay ,uu waliba xadhig iigu daray .

Xadhigii ka dib-na markaanu cabashadayadii iyo dhibtii ay Dawladda Hoose noo gaysatay usoo bandhignayna masuuliyiinta deegaanka ,wax alaale wax ay ka qabteen ma jirto ,waaney naga hoos-

qaadiwaayeen ,Meheradaana waxa nolol maal-meedkooda kala soo bixi jiray Afar Qoys oo maanta noloshoodu khatar ku jirto oo danyar ahaa . “ Sidaasi waxa yidhi Cabdiraxmaan Axmed Shide oo ahaa mulkilaha meheradan lahaa waxaanu intaasi ku daray oo uu ugu baaqay Hay’adaha Xuquuqu Insaanka ,umadda reer Somaliland iyo Jaaliyadda beelaha Gabooye-ba in ay dhibaatadaa  Dawladda Hoose kula kacday hoos u eegaan si wax looga qabto.

 Sidoo kale Caaqil .Maxamed Xirsi Samatar oo ka mid ah cuqaasha Gabooye ee gobolka Togdheer oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi . “ Dawladda Hoose cadaalad darada ay noo gaysatay beeshayadda Gabooye waxa ka mid ah boqol meheradood oo meheradayada ay isku meel ku yaaleen ,gaar’ahaan meel aan wadoba ahayn oo ku jeeda Laamiga Dawladda Hoose dhinaca bari ka xiga ,taayadii oo qudha ayay ka dumiyeen ,kuwii kale-na way iska daayeen gar iyo garawshiyo toona namay marin ,maayirkuna markaanu cabashadayadii iyo dhibtii na gaadhay u gudbinay wuu naga hoos-qaadiwaayay ,markaa waxaanu ugu baaqaynaa Salaadiinta ,Cuqaasha reer Togdheer iyo umadda kale ee Somaliland in ay wax nagala qabtaan dhibaatadaa ay Dawladda Hoose ee Burco noo gaysatay  “ Sidaasi ayuu caaqilku hadalkiisa kaga baxay.