Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Oo 22 Qof Ka Khafiifisay Xukun Lagu Riday

0
473

Hargeysa( Geeska )- Maxkamada sare ee ciidamada qaranka, ayaa xukun kii ka khafiifisay 22 qof oo hore ay 17 ka mid ah maxkamad darajada koowaad ee ciidamadu ugu xukuntay dil, halka 5 ka mid ahna ay ugu xukuntay xabsi daayin.

Dadkan ayaa hore loogu qabtay mar dablay hubaysan ay weerar ku qaadeen xerada Ex.Soodaanta oo ay ciidamda qaranku deganaayeen isla markaasna waxay ku dileen dhawr  askari halka ay ku dhaawaceen dhawr askari oo kale.

17 kan qof ee hore dilka loogu xukumay oo rafacaan u qaatay maxkamada sare ee ciidamada qaranka ayay maxkamadu ku xukuntay midkiiba xadhig ah 20 sano ( Labaatan sano ), halka  5-tii qof ee ku xukunaa xabsi daayinka ay maxkamadu midkiiba ku riday xukun 15 ( Shan iyo toban sanadood ) ah.

Kooxdan dablayda ah ayaa hore dil loogu xukumay intooda badan ka dib markii ay aroor hore weerar ku qaadeen xerad Ex-Soodaanta oo ay degan yahiin ciidamada qaranka, waxaanay halkaas ku dileen tiro ka mid ah ciidamada qaranka halka ay ku dhaawaceen tiro kale oo ka mid ah ciidamada. Waxaana kooxdan lagu qabqabtay goobtaas intooda badan, si dhaqso ah ayaanay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qaranku ugu xukuntay 17 ka mid ah dil halka ay 5-na ay ku xuntay xabsi daayin.

Xukunkaas hore waxa cambaaraysay Qaramada Midoobay, oo ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.