Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Ka Qayb Galayso Shir Turkigu Isku Soo Horfadhiisinayo Somaliland Iyo Somaliya

0
509

 

dibadaHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Turkigu qabanayso shir ka mid ah shirarka lagu dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo xalay shirjaraa’id saxaafadda ugu qabtay qasriga madaxtooyada, wuxuu sheegay inay Somaliland aqbashay ka qayb galka shirkaas.  “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in dawladda Turkiga oo la saaxiib ah labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliyaba iskaashi iyo xidhiidhna la leh labada geesoodba inay ku marti-qaaday labada dal inay dib u bilaabaan wada hadaladii hore u dhex-maray.labada geesood-na arrintaasi way soo dhaweeyeen,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Waxaan markaa qaadanay in labada dawladood ay muddo aan ka badnayn laba todobaad gudahood aanu ku wada hadalno dalka Turkiga, si loo sii ambo-qaado arrimihii berigii hore wada hadalka laga yeeshay.” “Waxaan markaa jecel nahay inaanu shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee kaleba sidaasi ku war-gelino in aanu dal ahaan annagu marti-qaadkaas Turkiga aqbalay oo aanu jecel nahay in wada hadalkii hore u bilaabmay la sii wado, si aanu himilada qarankani leeyahay aanu u gaadhi karno,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Sida laga war-qabo beesha caalamku waxay ku baaqday kal-hore in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadlaan oo ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo iskaashiga labada dal dhex mari kara. Intaasi ka dib waxa labada dal bishii June ee sanadkii hore ay ku yeesheen Ingiriiska wada hadalkii ugu horeeyay muddo 21 sanadood ah, waxaanay ku heshiiyeen in qaabka loo wada hadlayaa ay noqoto qaab laba geesood ah, Somaliland oo dhinac ah iyo Soomaaliya oo dhinaca kale ah. Waxa ku xigay wada hadalo ay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaanay isku raaceen in la sii ambo-qaado wada hadalada bilowga ah.”