Maxkamadda Hargeysa Oo Qaaday Talaabo Yarayn Karta Kufsiga Haweenka

0
517

Picture3Hargeysa (Geeska)  – Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa min 10 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay 21 dhalinyaro ah oo lagu helay inay si wadar ah u kufsadeen laba hablood.

Dhalinyaradan oo Axadii Maxkamadda la horgeeyay ayaa lagu helay kiiska kufsiga ah oo ay soo oogtay xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex, waxaana xeer ilaalintu markhaati ahaan maxkamadda u hor keentay labadii hablood ee la kufsaday, kuwaasi oo si faahfaahsan uga waramay wixii ku dhacay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil, oo xukunka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradani maxkamadda horteeda ka qirteen kiiskan “Sidaad la socotaanba dhalinyaradii faraha ayay ka baxday, maalin walba waxaanu ka shaqeynaynaa waa Kufsi, dhac iyo tuugo, mindiyo ayay sitaan, hablihiina ma gafayaan, waxbay boobayaan, markaa waxa la noo keenay 21 eedaysane oo kufsaday laba hablood, dhammaatood maxkamadda horteeda way ka qirteen inay dambigaa galleen”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu intaa ku daray “Qofku markuu sidaa wax u qirtana qiraalkiisa ayaa lagu xukumayaa”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in labada hablood ee kufsi wadareedku ku dhacay ay wakhtigaa u socdeen Salaadii Taraawiixda “Labada hablood oo ku socda Salaada Taraawiixda ayay afduubeen, markaa waxaanu midkiiba ku xukunay 10 sanadood oo xadhig ah, waxaanu 5 sano ku xukunay hal eedaysane oo isuguna ku talo jiray (Faro xumaynta) laakiin ka soo gaadhi waayay”

Guddomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil, waxa uu sheegay in kiiskan ka mid yahay 27 kiis oo kufsi ah “Waxa na soo galay 27 kiis oo kufsi ah, 24 ayaanu xukunay, waxaan u mahad nayaa ciidanka booliska oo aad u shaqeeyay, xeer ilaalinta iyo CID-da oo baadhitaan soo samaysay, waalidkana waxaan leeyahay carruurtiina ka war haya”

Axmed Yuusuf Xuseen, oo ka mid ah difaacayaasha xuquuqal iinsaanka Somaliland oo goob joog ka ahaa markii dacwadan la qaadayey ayaa soo dhaweeyay xukunkaasi, waxaanu sheegay inuu caddaalad ahaa, maadaama oo fawaaxish iyo fadeexad lagaga hor tagayo “Maxkamadda waxa ka dhacay garsoor runtii lagu diirsado, waxaanuna u mahad celinaynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo garsoorihii kiiskan gacanta ku hayey”ayuu yidhi.