Munaasibad Afur Iyo Casho Ah Oo Loo Sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
559

Picture4Hargeysa(Geeska)-Munaasibad casho iyo afur ah oo aad u balaadhan, laguna soo dhawaynayay wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shalay lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadaas oo ay Beesha Arab u samaysay wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah waxa ka qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Taliyaha ciidamada Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, Wasiir xigeenka arrimaha dibadda,  Mawliid Maxamuud Ibrahim, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Ibrahim Suldaan Sulub Nuur, Guddoomiye xigeenka labaad ee wakiilada Md. Cali Yuusuf Axmed, Guddomiyaha hay’ada Qaranka NDC Md. Jamaal Caydiid Ibrahim, Marwo Edna Aden Ismaaciil, siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Cumar (Jawaan), Xildhibaan Axmed Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Guddoomiyaha KULMIYE ee UK Xariir Xirsi Adar, Xildhibaan Axmed Kijaandhe, Sheekh Aadan-Siiro, Mulkiilaha hoteelka Guled Cali Cumar Guuleed, Wasiirkii daakhiliga ee xukuumadii hore Cabdillahi Cirro, Cabdiraxmaan Cadami, oday Ibrahim Yey, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo munaasibadaas furay ayaa wasiirka cusub ugu duceeyay in Alle xilka u fududeeyo,waxaanu Madaxweynaha uga mahadceliyay go’aanka uu ku magacaabay Maxamed Biixi Yoonis inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda.

Marwo Edna Aden Ismaaciil, oo halkaas ka hadashay ayaa ka warantay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo meelaha uu wasiirku u baahanyahay inuu xoogga saaro si uu uga midho dhalliyo siyaasadda dibadda ee dalkan curdinka ah, waxaanay sidoo kale ka warantay caqabadaha jira ee loo baahanyahay inuu wasiirku waajaho iyo siyaabaha uu ku waajihi karo.

Siyaasiga Cabdillaahi-Jawaan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa madashaas ku soo bandhigay warqadii u horaysay ee markii lagu dhawaaqay Somaliland lagu raadiyay aqoonsiga. Warqadaas oo ay saxeexeen 12 masuul oo ka soo kala jeeda dhammaan Beelaha Somaliland, ayaa ka turjumaysay sida ay beelaha Somaliland ugu midaysanyihiin qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Guddoomiyaha labaad ee golaha wakiilada Md. Cali Yuusuf Axmed, oo isna madashaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wasiirka cusub.

Cali Cumar Guuleed, oo  ereyo kaftan u badnaa ka jeediyay ayaa ka hadlay ahmiyadda ay munaasibadaas u leedahay wasiirka cusub iyo bulshada reer Hargeysaba. Waxaanu Cali si hufan uga sheekeeyay Marwo Edna Aden Ismaaciil oo uu soo jeediyay in taallo loo dhiso inta ay nooshahay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dadka munaasibadda soo qaban qaabiyay oo uu tilmaamay inay sameeyeen casuumad bulsho badan kulmisay. Sheekh Aadan, wuxuu sheegay beesha Wasiirka cusub ee khaarajiga casuuntay ay isaga ka Aadan ahaan ugu suntantahay beeshii halgankii SNM ka qaadatay qayb libaax, haddii ay noqoto deegaan iyo haddii ay halgankii kale noqotaba. Waxaanu guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyay in la muujiyo isku duubni si looga midho dhaliyo halganka aqoonsi raadiska. Sheekh Aadan, waxa kale oo uu ku taliyay in faqriga lala dagaalamo, kaas oo ah dhibaatada koowaad ee shucuubta ku nool qaaradda Afrika.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed iyo Suldaan Ibrahim Suldaan Sulub Nuur, ayaa iyaguna halkaas ka jeediyay hadalo duco ah.

Ugu danbayntii wasiirka cusub ee wasaarada arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka mahad celiyey soo dhawaynta balaadhan ee loo sameeyay,  “waxaan ka mahad celinayaa munaasibadan qiimaha badan ee laygu soo dhawaynayo, waan ogsoonahay oo hawsha lay dhiibay waa hawl culus, mana ah mid qof  kaliya uu ka bixi karo, aniga oo aad uga mahad naqaya marwo Edna Aadan oo ahayd wasiirkii hore ee arimaha debada oo aan la yeeshay kulankii ugu horeeyey ee wada tashi ah, hawshani way adag tahay laakiin wax aan la qaban Karin ma jirto haddii uu dadku isku duuban yahay oo ajande kaliya ay wada wataan, nabadda aynu haysanaana wax la qiimo ah ma jirto, aniguna meelo badan oo dagaalo ka jiraan ayaan ka shaqeeyey iyada oo aan dareemayo muhiimada ay leedahay nabadu..?ayuu yidhi wasiirka cuusb ee wasaarada arimaha debada, waxaanu u mahadceliyay dadkii munaasibadaas soo qaban qaabiyay.