Ethiopia Airlines Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Magaalada Muqdisho Ee Somaliya

0
502

Picture4Muqdisho(Geeska)-Shirkadda Duulimaadyada ee Ethiopia airlines ayaa bilaabi doonta duulimaadyo ay ku tegayso magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya, kadib heshiis ay kala saxeexdeen Dawladda Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Somaliya Siciid Jaamac Qorsheel oo dhowaan booqasho ku tegay dalka Itoobiya, ayaa warbaahinta dawladda Somaliya u sheegay inay duulimaadyadu dhawaan bilaabmi doonaan, isagoo intaas raaciyay in heshiiska ay Itoobiya iyo Somaliya kala saxeexdeen uu sidoo kale dhigayo inay Itoobiya tababar siiso shaqaalaha duulista iyo hawada ee Somaliya.

Somaliya iyo Itoobiya ayaa heshiiska kala saxeexday Jimcihii, ka dib markii uu wadankaas booqday wefti uu hoggaaminayay Raysalwasaaraha Somaliya.