Dallada Qaabilsan Nabadgelyada Hay’adaha Caalamiga Ah Oo Sheegtay Inaan Warbixinta Ingiriisku Khuysan Hay’adhaa Gargaarka

0
4447

 

images (2)Hargeysa(Geeska)-Dallad qaabilsan nabadgelyada hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo Somaliya, ayaa cadaysay inaanay digniintii dawladda Ingiriisku kaga dayrisay amniga Somaliland aanay khusayn hay’adaha caalamiga ah.

 

Dalladan oo uu fadhigeedu yahay Kenya, laguna magacaabo NGO Safety Program, ayaa qoraal mawduucan la xidhiidha oo ay u direen hay’adaha ku sugan Somaliland, oo uu nuqul ka mid ah Geeska Afrika helay, waxay ku cadeeyeen inaanay digniinta Ingiriisku khusayn hay’adaha ka shaqeeya arrimaha garagaarka. Qoraalka oo ay dalladani soo saartay Jimcihii shalay islamarkaana aan saxaafadda loogu tallo gelin, waxa kale oo ay ku ladhay tallooyin ay u jeedisay hay’adaha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin inaanay hay’aduhu Somaliland u dirin shaqaale caalami ah oo dheeraad ah oo aan loo baahnayn, inay ka dheeraadaan dhaqdhaqaaqyo aan loo baahnayn dib u eegis lagu sameeyo ammaanka hoyga ay shaqaalaha ajaanibka ahi degenyihiin iyo qodobo kale.

Si kastaba ha ahaate, qoraalkani wuxuu cadaynayaa in hay’adaha caalamiga ah ee horumarka qaabilsani ay ku kalsoonyihiin ammaanka Somaliland, islamarkaana aanay khusayn digniinta dawladda Ingiriiska oo ay xukuumadda Somaliland ku tilmaantay mid aanay waxba ka jirin.