Maraykanka Oo Sheegay In Aqoonsiga Qudus Aanu Kama Dambays Ahayn Iyo Xeeladaha Uu Trump Doonayo Inuu Ku Qanciyo Carabta

20
2886

Warbixin uu Geeska Afrika diyaariyay

Washington (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rax Tillerson ayaa jimcihii shalay ku dhawaaqay in aqoonsiga uu madaxweynihiisa Donald Trump ku sheegay in magaalada Barakaysan ee Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil aanu ahayn go’aan kama dambays ah.

Tillerson ayaa isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo magaalada Paris ay ku wada qabteen dhiggiisa dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian waxa uu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee waxa ay noqonayso magaalada Qudus uu ku xidhanyahay waxa ay Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu iskula qaataan wada xaajoodka u dhexeeya. Tillerson oo arrintaas sii faahfaahinaya ayaa intaas ku daray, “Xaaladda waxa ay noqonayso magaalada Qudus iyo xuduudka ay yeelanaysaaba ma’aha go’aan kama dambays ah, dhinacyada ay qusayso arrintani (Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda) ayaa go’aanka iska leh”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka oo ka hadlaya waqtiga safaaradda dalkiisa ee hadda Tel Aviv ka furan loo rari doono Qudus, ayaa sheegay in guuritaanka safaaraddu uu waqti qaadan doono, suurtagalna ay tahay in aanu laba sano ka soo horreyn.

Arbacadii ina dhaaftay ayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in uu magaalada Qudus si rasmi ah ugu aqoonsaday caasimadda dawladda Israa’iil, isla markaana waxa uu wasaaraddiisa arrimaha dibadda faray in ay bilowdo hawlaha raritaanka safaaradda Maraykanka ee Tel Aviv loogu rarayo magaalada Qudus.

Go’aanka Trump oo ahaa saxeex uu saxeexay go’aan hore uu Kongareeska Maraykanku sannadkii 1995 kii ku soo saaray in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil ayaa dhaliyey cambaarayn caalamiya iyo gadood dhiig ku daatay oo maalmihii u dambeeyey ay Falastiiniyiintu ku kaceen.

Arrinta cadhada caalamiga ah sii badisay ayaa ah in go’aanka Trump aanu kala reebin labada daamood ee magaalada Qudus oo hore go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobey sannadkii 1947 kii ka dhigay Daanta Galbeed in ay Israa’iil leedahay halka Daanta Barigana loo aqoonsaday caasimadda dawladda dhalan doonta ee Falastiin. Taas oo macnaheedu noqonayo in Trump  uu aqoonsaday sheekada ay Yuhuuddu ku andacooto ee ah in Danata Bari ee Qudus oo Yuhuuddu ay qabsatay sannadkii 1967 kii ay raacsan tahay dawladda Yuhuudda.

Sannadkii 1980 kii ayaa ay Israa’iil ku dhawaaqday in Daanta Bari ee magaalada Qudus ay ku darayso daanta galbeedka ee ay hore sannadkii 1948 kii u qabsatay, waxa aanay waqtigaas sheegay in Qudus oo magaalo midaysan ah weligeedna ahaanaysaa magaalo keliya ay caasimad u tahay Israa’iil, waxa se arrintaas si adag uga soo horjeestay bulshada caalamka oo si cad u sheegay in aanay aqoonsanayn caasimaddaas, isla markaana safaaradahooda ka furtay magaalada Tel Aviv oo ah caasimadda ganacsiga.

Hadalka wasiir Tillerson ayaa u muuqda iskuday uu Maraykanku ku qaboojinayo cadhada dunida muslimka ee ka dhalatay go’aankiisa isla markaana kaga baxsanayo sharciga caalamiga ah ee uu jebiyey, waxaa iyaguna jira warar sheegaya in Trump oo cadaadis aad u xooggani ka haysto gudaha dalkiisa isla markaana cadaadis gaar ah ay saareen Yuhuudda awoodda ku leh Maraykanku, sidaa awgeed uu isku dayey in uu ciyaaro diblumaasiyad dabin ka bood ah, isaga oo cadaadiska iskaga yareeyey in uu saxeexo go’aanka aqoonsiga Qudus ee hore ay ugu dhici waayeen madaxweyneyaal badan oo Maraykan ahi, isla markaana uu dib u dhigo raritaanka safaaradda si uu isaga jeediyo indhaha saaxiibbadiisa Carabta ee go’aankiisa diiddanaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here