Maxay Madaxda Caalamku Ka Tidhi Qaraxa Iyo Weerarka Dalka Norway Ka Dhacay?

0
845

 

qrax

Madaxda kala duwan ee caalamka ayaa siyaabo isku mid ah u cambaareeyay weerarkii ka dhacay dalka Norway, waxaanay nidar ku mareen inay diyaar u yihiin inay garab taaganyihiin dawladda iyo shacabka Norway.

Booliska ayaa sheegay in ninka la qabtey ee falkaas gaystay  AndersBehring Breivikuu ku sugnaa Jasiiradda Utoya isla markaana uu dadka xabad la dhacaayey muddo halsaac iyo badh ah.

Booliska ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in markii ciidanka amaanku halkaas gaadheen uu is dhiibey, isla markaana aanu wax dagaal ah samayn.

Boolisku waxay sheegeen in waxyaabo badan uu kala shaqeeyey Booliskii su’aalaha weydiinaayey, laakiin ay jiraan waxyaabo uu ka gaabsadey isla markaana aanu kala shaqeyn Booliska waxaana ka mid ah in arrintan in uu keligiis ku ahaa ama ay jirto koox uu ka socdo oo uu metelayay.

Boolisku waxa ay daaha ka qaadeen in dhimashada jasiirada Utoyo ay kor u kacdey ayna hadda marayso 85 qof, marka lagu daro dhimashadii ka dhacdey qaraxii Badhtamaha Oslo waxaa dhimashadu gaadheyso  92 qof.

Jasiirada Utoya ayaa ahayd goob ay xagaa kasta Kaam ka samaystaan dhalinyarada xisbiga Shaqaalaha, tan iyo sanadihii 70-kii, waxaana lagu wadey in Raysalwasaaraha dalka Norway uu khudbad u jeediyo Sabtidii shalay. Waxaana ku sugnaa Jasiirada in ka badan 500 oo dhalinyaro ah, waxayna da’doodu u badneyd 15 -16 sano.

Madaxda wadamada Faransiiska, Maraykanka, Kanada Ingiriiska iyo kuwo kale ayaa muujiyay dareenkooda weerarkaas.

Ra’isalwasaaraha Kanada         

Rayalwasaare  Stephen Harper oo shirjara’aid qabtay ayaa yidhi  “Waan ka naxay weerarkan waana mid naxdin leh oo waliba murugo ah, waxaan tacsi u diraynaa ehelka kuwa naftooda ku waayey falalkan”.

Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska  Nicolas Sarkozy wuxuu ku tilmamaay weerarada dhimashada ee Oslo kuwa qaracan ah oo  ah rabshad aan la aqbali karin, xiligan oo uu ku tilmaamay xili aan la ilaawi karin,  wuxuu sheegay in dhamaan dadka Faransiisku inay u tacsiyeynayaan dhamaan dakda reer Norway.

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wuxuu yidhi “Dhacdooyinka ka dhacay Oslo waxay ina xusuusinayaan in aduunyada ay ku leedahay door sidii loo joojin lahaa ficilada argagixisada, wuxuu hadalkan jeediyey isagoo aqalka cad kulan lahaa kulan Ra’isalwasaaraha New Zealand John Key oo booqanaya Mareykanka.

Obama oo dalka Norway lagu gudoonsiiyey abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Prize-ka wuxuu sheegay in uu shakhsiyan tacsi u dirayo dadka wadanka Norway.

Pakistan

Madaxweynaha wadanka Pakistan Asif Ali Zardari wuxuu sheegay in uu aad u cambaareynayo weerarkaasi, isagoo sheegay in wadankiisa Pakistan uu safka hore uga jiro la dagaalanka aragagxisada.

Britain:

Ra’isalwasaraha Britain David Cameron wuxuu  yidhi  “Weeraradani waxay yihiin xusuusin taagan oo ah in dhamaanteen aynu wajahayno argagixisada” wuxuu ku yaboohay in Britain ay qayb ka qaadan doonto baadhitaanka weeraradaasi.

Gaashaanbuurta NATO.

Gaashaanbuurta NATO oo ay Norway xubin buuxda ka tahay si adag ayey weerarkaasi u cambaareeyeen.

Xoghayaha guud ee Nato  Anders Fogh Rasmussen  ayaa weeraradaasi uggu yeeray “Fal gumaad ah”.

Midowga Yurub

Madaxweynaha golaha midowga Yurub Jose Manuel Barroso ayaa ku sifeeyey weeraradaasi naxdin lama filaan ah wuxuu sheegay inaan laga fileyn weeraro caynkaasi ah “Norway oo ah hoy nabadeed & nabad dhaliye dibadeed.”