Mahad Celin Ka Timid Qoyska Marxuum Kayse Xasan Cige, Alle Haw Naxariste

0
867

 

cigae

Annagoo ku hadlayna magaca qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Kayse Xasan Cige oo ahaa xoghayihii guud ee KULMIYE, waxaanu u mahadnaqaynaa Illaahay oo noo fududeeyay in isagoo Djibouti ku geeriyooday lagu aaso Hargeysa oo hoygiisa ah.

 

Waxa aanu u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa oo aanu uga mahadcelinayno kaalintii ay ka qaateen aaskii marxuumka. Waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Axmed Cabdi Dheere oo aan hadh iyo habeen marnaba ka seexan sidii ay suurtogeli lahayd inaanu marxuumka ku aasno dalkiisa.Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi iyo duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabd ayaanu iyagana u mahadnaqaynaa.  Waxa kale oo aanu iyagana mahad u celinaynaa Axmed Cismaan Geele iyo Cali Cismaan Geele oo qaybta ugu weyn ka qaatay hawshan iyo weliba dawladda Djibouti oo soo sagootiday jinaasadii marxuumka. Dhammaan umaddaas waxaanu uga mahadcelinaynaa sidii ay noo garab istaageen.

Afhayeenka guddigii qaban aabada aaska Marxuumka

Axmed Aadan Cilmi (Shiine)